Al-shabaab: “ Hadii aad kitaabka meel qurun ah ku ridaan qarax baa idiin danbeyn doona”

Ururka Al-shabaab ayaa ka warbixiyey qarax ismiidaamin ah oo ay iyagu mas’uuliyaddiisa sheegteen kaas oo shalay ka dhacay banaanka hore ee xarunta madaxtooyda DKG ah ee Soomaaliya.

 

 

 

Afhayeenka guud ee ururka Al-shabaab Sh. Cali Maxamuud Raage (Cali-dheere) ayaa shaaciyey magaca shakhsigii weerarkaas fuliyey isagoo sheegay in lagu magacaabi jirey Xasan C/qaadir Cabdi (Muxsin).

 

 

Wuxuuna intaas ku daray in sababta qaraxaas ismiidaaminta ah ka danbeysey ay tahay sidii loogu aargudi lahaa Kitaabka Qur’aanka ah oo la nijaaseeyey meel aan munaasib ku ahaynna lagu ridey, isagoo taas ka hadlaya Cali dheere wuxuu yiri:

 

 

“Camaliyaddani waxay runtii aarsi u tahay falkii ay gaaladu kula keceen kitaabka ilaahey subxaanahu wa tacaalaa”

 

 

 

Afhayeenka Al-shabaab ayaa intaas raaciyey in qofka isqarxiyey uu ka xumaaday meel kadhaca loo geystey kitaabka alle, sidaas darteedna uu go’aan ku gaarey inuu naftiisa u huro sidii uu dadkii ku xadgubey u waxyeeleyn lahaa.

 

 

“Waxaan leenahay hadii aad kitaabkii ilaahey meel qurun ah  ku rideen, idinkana qarax baa idiin danbeyn doona, ma dhici doonto inaad kitaabka ilaahey ihaaneysataan idiinkuna aad sidaas kusii raaxeysataan” Sh.Cali Dheere ayaa yiri.

 

 

Dhinaca kale saraakiisha denbi barista ee dowladda KMG ah ee Soomaaliya ayaa sheegay in qaraxaas ay fuliyeen labo nin oo mid kamid ahi uu ahaa nin horay xarunta madaxtooyada uga shaqeyn jirin.

 

 

 

Waxaana qaraxaas oo  shalay gelinkii hore dhacay ku geeriyoodey 5-qof oo u badnaa askarta ilaalada madaxtooyada oo iyagu xiligii uu qaraxu dhacayey ku sugnaa meel maqaaxi ah oo madaxtooyada DKG ah ee Soomaaliya aan wax badan ka durugsaneyn.

Leave a Reply