Bilowga Duulimaadkii Dayuurada Turkish Airland iyo Wafdigii weheliyay oo Muqdisho ka dagay

Xili maanta Magaalada Muqdisho ay soo gaareen Wafuud ka socota dowladdaTurkiga ayaa waxa ay saameyn ku yeesheen soo degitaankooda qeybaha kala duwan ee shacabka ku dhaqan Magaalada Muqdisho, sida shirkadaha isgaarsiinta, kuwa Xawaaladaha, Goobaha Ganacsi ee kuyaala Magaalada Muqdisho, iskuulada, Jaamacadaha iyo Isku socodka dadka iyo gaadiidka ee isaga kala goosha wadooyinka Magaalada Muqdisho.

 

 

Qaar ka mid ah dadkii saameynta ay ku yeelatay wadooyinka xirnaa oo la hadlay warbaahinta ayaa waxa ay walaac ka muujiyeen wadooyinka xiran xiliyada ay garoonka Muqdisho ka soo degayaan wafuuda heerka Caalami ee soo gaaraya Magaalada Muqdisho,

 

 

waxa ayna sheegeen in xiliyadaasi ay ka habsaamaan howlahooda shaqo kadib markii sida ay sheegeen ay cadaadis kala kulmaan ciidamada DKMG Soomaaliya oo qaarkood ay ku eedeeyeen in xitaa hadii ay tusaan aqoonsigooda aysan aqbaleyn, waxeyna ka dalbadeen DKMG Soomaaliya in arimahaasi ay wax ka qabato maadaama ay yihiin muwaadiniin Soomaaliyeed.

 

 

Iskuulkii maanta ma’aanan aadin waayo waxaa xirnaa wadooyinka, waxaan waayay meel aan maro meel kasta ciidan ayaa jooga oo wadada kaa celinaya, hadda sidaasi ayaan saakay xiisadeydii ku weeyay” sidaa waxaa yiri ardey ka kimid ahaa dadkii ay saameeyeen xirnaashiyaha wadooyinka.

 

 

Aniga waxaan ku xamaashaa Gaarigacan, waxaana xamaaliga ka raadsadaa agagaarka KM4 laakiin maanta waan awoodi waayay in aan ka xamaasho, maxaayeelay ciidamo ayaa xiray, sidaasi ayaana isaga tagayaa oo maanta reerkii xitaa waxey cunaan malahan maxaayeelay wixii aan soo shaqeeyay ayay cuni jireen” sidaa waxaa sidoo kale yiri nin xamaali ah oo warbaahinta Muqdisho ay waraysatay.

 

 

Shacabka ku dhaqan Magaalada Muqdisho ayaa xiliyada ay garoonka Aadan Cadde ka soo dagayaan madaxda Caalamiga ah waxa ay la kulmaan Cadaadis xoogan sida, iyagoo lagula kaco mararka qaar jirdil, iyo Hanjabaadyo kaga timaada ciidamada dowladda ee xira wadooyinka Magaalada Muqdisho kuwaasi oo aanay cid ilaa iyo iminka wax ka qabatay aysan jirin muuqana, iyadoona ay xusid mudantahay in dhawaan isgoyska Km4 uu mid ka mid ah gawaarida AMISOM uu ku jiiray nin rayid ah kaasi oo u geeriyooday dhaawacii ka soo gaaray gaarigaasi waxa aanan ahayn waanu baadhayna mooyaane.

 

Leave a Reply