Dagaal xalay ka dhacay duleedka koonfureed ee Muqdisho

Dagaalo culus ayaa xalay ka dhacay duleedka Ex-koontarool Afgooye iyo xaafada Xoosh degmada Dharkeenleey ee magaalada Muqdisho.

 

 

Dagaalka ayaa ka danbeeyey kadib marki ay Al Shabaab weerar ku qaadeen fariisimo ay ciidamada dowlada iyo kuwa Amisom ku leeyihiin deegaanadaasi, iyadoo madaafiicda iyo daryanka rasaasta laga qeybo ka mid ah caasimada.

 

 

 

Taliyaha  ciidanka amaanka ee isgoyska Ex-koontarool Axmed Cabdullaahi ayaa sheegay in aysan wax qasaara ah kasoo gaarin ciidanka dowlada weerarki ay Al Shabaab kusoo qaadeen, balse ay dhib weyn gaarsiiyeen kooxihi soo weeraray sida uu hadalka u dhigay.

 

 

Waxa laakin uu xaqiijiyey in madaafiic ay soo tuureen kooxihi soo weeraray ay qasaaro gaarsiiyeen dad ku jiray xero barakac oo u dhaw Ex-koontarool sida uu hadalka u dhigay.

 

 

Anaga wax nasoo gaaray ma lahan laakin waxaa dhibaato soo gaartay dadka rayidka ah gaar ahaan dad qaxooti ah oo ku noolaa xero barakac ah, ayuu Axmed Cabdulaahi .

 

 

Ma jirto wax war ah oo kasoo baxay Al Shabaab oo ku aadan weeraradi ay xalay saqdi dhexe ku qaadeen fariisimaha ciidamada dowlada ee duleedka koonfureed ee magaalada Muqdisho.

Leave a Reply