Prof Gablax oo Shaaciyay in uu u Sharaxanyahay Madaxtinimada PL

Professor Cabdiraxman Sh Maxamed Xasan (Gablax),oo ah Musharaxa u taagan jagada madaxtinimada Puntland ayaa maanta waxaa xaflad balaaran oo soodhaweyn ah loogu sameeyey Hotelka Golden Plaza ee magaalada Gaalkacyo.

 

 

 

Xafladaan oo ay kasoo qaybgaleen qaybaha kala duwan ee bulshada kudhaqan gobolka Mudug , ayuu musharaxu ku faahfaahiyey arimo badan oo ay ka mid ahaayeen waxbarashadiisa iyo shaqadiisa.

 

 

 

Wuxuu kale oouu musharaxu soo bandhigay qorshihiisa siyaasadeed ee ku aadan horumarinta bulshada, dhaqaalaha iyo dhaqanka.

 

 

Wuxuu kaloo uu ku dheeraaday nabad kusoo dabaalida gobolada Puntland oo dhan taas oo aasaas looga dhigayo sinaan iyo caddaalad.

 

 

 

 

Waxaa ka muuqday wajiyadda kasoo qaybgalayaasha xaflada farxad ay ku dheehan tahay wadaniyad iyo yididiilo ay u qabaan aragtida madaxweynahooda mustaqbalka dhow. waxayna taas ku muujiyeen khudbado ay ka soo jeediyeen hoolka shirka.

 

 

 

Musharaxa oo ah nin dhalin yaro ah kana mid ah aqoonyahanada soomaaliyeed kuwa ugu cadcad ayay dadweynaha iyo masuuliyiintii kasoo qayb galay xaflada u arkeen inuu musharaxu yahay nin dhexdhexaad ah oo gobolka Mudug ka samatabixin kara marxaladda adag oo maanta ku jiro isla markaana aan lug ku lahayn ururada ka jira soomaliya.

 

 

Musharaxu wuxuu sidoo kale soo bandhigay waxa dowladiisu qaban doonto boqolka maalmood ee ugu horeysa xukuumadiisa, taasoo ah wax aan looga baran musharixiinta in ay dadweynaha soo hor dhigaan wax qabad cad inta aysan hanan jagada madaxnimadda ummadda.

 

 

 

Dhamaan Masuuliyiinta kasoo qayb galay xafladaan islamarkaasna bixiyay taageeradooda buuxda waxaa kamid ahaa masuuliyiin ka kala socotay ururada bulshada gobolka Mudug iyo gudoomiyayaal beelo soomaaliyeed oo ku hadlayey magaca degaanada ay ka soo jeedaan, kuwaas oo aay kamid ahaayeen nabadoon Gaani Siciid ,Eng Cumar dheere , nabadoon Yaasin Cabdi Samad iyo Col Cabdinuur Buulale.

 

 

 

Munaasabadaas waxay kusoo gabagaboowday Guul dadweynihii meesha isuguyimidna waxay Eebe uga baryeen in uu ku guuleeyo Madaxtinimada Puntland , iyaga oo ku qancay aqoontiisa iyo kartidiisa, kuna raali noqday hadafka Nabad raadinta ee uu wado Professor Cabdulraxmaan Sheekh.

Leave a Reply