Ururka Midowga Yurub oo laba laabaya dhaqaalaha uu siiyo Amisom

Midowga Yurub ayaa wacad ku maray inuu kordhin doono dhaqaalaha uu ku bixiyo hwolgalka Milatari ee ay ciidanka Midowga Africa ka wadaan dalka Soomaaliya.

 

 

War kasoo baxay Yurub ayaa lagu sheegay in la gaar siin doono 100 million oo euro ah ilaa 2013-ka, taasi oo ka badan dhaqaalaha ay hada ku bixiyaan Ciidamada Amisom.

 

 

Dhaqaalahan ayaa sidoo kale xoojin doono joogitaanka AMISOM ee Geeska Africa iyo Biyaha Badweynta India ilaa iyo 2014 si ay u ilaaliyaan qatarta argagixisada iyo burcad badeeda, sidaasi waxaa ku warantay wakaalada wararka China ee Xinhua.

 

 

Hadalka kasoo baxay Midowga Yurub ayaa yimid kadib kulan ay magaalada Brussels ku yeesheen madaxda Golaha Yurub Van Rompuy iyo ra’isulwasaaraha dalka Kenya Minister Raila Odinga oo ka hadlay xaalada Soomaaliya.

 

 

Waxaa jirta rajo soo ifeysa oo muujineysa in ay soo dhamaaneyso xaaladihi xumaa ee Soomaaliya ee soo jiitamayey in muda ah, marka beesha caalamka waa in aysan ka fara baxsan fursadaasi,” ayuu yiri Odinga.

 

 

Midowga Yurub ayaa ka mid ah ilaha ugu badan ee ay dhaqaalaha kasoo galaan ciidamada AMISOM.

 

AMISOM ayaa lagu wadaa in dhawaan lasoo kordhiyo lagana dhigo 17,700 oo askari, halka ay iminka yihiin 12,000 oo askari.

Leave a Reply