Prof Gaas: ” Qaraxii Maanta Ma Ahan Mid Niyadda Naga Jabinaya

Ra’iisul wasaaraha DKG ah ee Soomaaliya oo kamid ahaa mas’uuliyiintii ku sugnaa Tiyaatarka Muqdisho xiligii uu maanta qaraxu ka dhacayey ayaa sheegay in weerarkaasi uu yahay mid aan waxba u dhimi doonin Hawlaha qaranka aanu uhayno.

 

 

 

Cabdiweli Maxamed oo shir jaraa’id qabtey ayaa sheegey in kooxha falkan fuliyey ee argagixisada ah markii goobaha dagaalka looga adkaadey ay dib ugu soo laabtaan shacabka iyo dadka rayidka ah si ay u argagax geliyaan.

 

 

 

Waxaa naga go’an in aan dalka ka sifeyno koxaha argagixsada ah mana ahan kuwo na niyad jabin kara haba yaraatee, waana caafimaad qabnaa oo wax naga soo gaarey qaraxa, dhamaan golaha xukuumadda waxaa jira dad shacab ah oo wax ka soo gaareen aad ayaana uga xunahay waan ka tacsiyeynaynaa. Prof. Gaas ayaa yiri Arinkaasi.

 

 

Ra’iisul wasaaraha ayaa dhinaca kale sheegay in qaraxaasi uu dhacay iyadoo ciidamada ammaanku ay yihiin kuwo si fiican u shaqeeya islamarkaana ay jireen weeraro badan oo ay horay u fashiliyeen.

 

 

Qaraxii maanta ka dahcay xarunta Tiyaatarka ee magaalada Muqdisho ayaa ahaa mid xooggan waxaana lagu soo beegay xilli ay madashaas xaflad sanad guurada TV-ga qaranka lagu xusayey ka socotey.

 

 

Dhowr qof oo ay ku jiraan mas’uuliyiin caan ka ahaa Ciyaraha Soomaaliya ayaa ku geeriyoodey qaraxaas, waxaana ku dhaawacay in ka badan toban qof oo weriyeyaal u badan ayna ku jiraan mas’uuliyiin dowladda ka tirsan. dhagayso hadalkii  Raysalwasaaraha Soomaaliya Prof CabdiwaliGAAS:-[powerpress]

 

 

 

 

Leave a Reply