Italia iyo Spain oo usoo baxay Finalka koobka Yurub 2012

Labada kooxood ee Itaaliya iyo Spain ayaa usoo baxay ciyaarta Finalka ama koobka Yurub, kadib markii ay ka guuleysteen labada kooxood ee Germany iyo Portogal.

Ciyaartii Caawa ayaa ahayd mid aad u xiiso badan, ayadoo ay Staduimka magaalada Warsaw ee caasimada Poland ay ku kulmeen caawa labada kooxood ee Itaaliya iyo Germany.

Kahor inta aysan ciyaarta bilaaban ayaa si weyn loo saadaalinayey cida kusoo bixi doonta ciyaartan kulul, ayadoo ay jireen dad badan oo saadaalinayey in kooxda Germany oo aan illaa iyo hada laga guuleysan ay cagta marin doonto kooxda Itaaliya.

Balse ciyaartan ayaa qeybtii hore waxaa wacdaro muujiyey kooxda Talyaaniga oo la yimid 2 gool oo uu dhaliyey laacibka Mariyo Baloteli oo asagu ah number 9ka kooxda Talyaaniga.

Mariyo ayaa goolka 1aad dhaliyey daqiiqadii 20aad, asagoo madaxa la helay banooniga baas uu dhinaca bixid kasoo dhiibay laacibka u ciyaara Talyaaniga ee Cassano.

Goolka 2aad ee ciyaarta oo la dhaliyey daqiiqadii 36aad ayaa ahaa mid aad u qurux badan oo uu dhaliyey isla Mariyo Baloteli kaas oo ka faa’iideystay kawnter ama rogaalcelis ay kooxda Talyaaniga sameysay kadib markii kooxda Germany ay ka faa’iideysan weyday koorner loo dhigay. Baloteli ayaa si farsamo leh u dhaafay difaacii kooxda Germany asagoo xawaare sare asgaoo ku socda banooniga si kulul ugu laaday goolka Germany asagoo banooniga la helay goolka dhankiisa midig.

Kooxda Germany ayaa daqiiqadii ugu danbeysay ciyaarta ee 90aad helay Rigoore, ayadoo uu goolkaasi u dhashay laacibka Ozil ee kooxda Germany. Balse kooxda Germany oo kamid ahayd kooxihii sida weyn loo xiiseenayey ayaa sidaa ku hartay, balse waxaa la isku raacay in kooxda Talyaaniga ay u qalantay inay guuleysato maadaama ay ciyaar aad u qurux badan soo bandhigeen.

Ciyaartii xalay ee dhexmartay Spain oo ah kooxda koobka heysata iyo kooxda Portogal ee uu hogaamiyo Cristiano Ronaldo, ayaa ahayd mid kulul balse labada kooxood ayaa ku guuldareystay inay wax goolal ah la yimaadaan, ayadoo sidaasi ciyaarta loogu daray 30 daqiiqo oo dheeraad ah. Kadibna waxaa labada kooxood loo dhigay Rigooreyaal, ayadoo ay labo gool gafeen kooxda Portogal oo uu halkaasi nasiibkooda ku reebay.

Ciyaarta Finalka ee koobka Yurub ayaa dhici doonta maalinta Axada ah 1da July saacada 8da fiidnimo wakhtiga Yurub, ciyaartaasi oo ay isaga horimaandoonaan labada kooxood ee soo baxay ee Talyaaniga iyo Spain.

 

Leave a Reply