Mucjisooyinka Olompic-da London

Fanaan wax sawira una dhashay wadanka Cech laguna magacaabo Devid Syrin ayaa maskaxdiisa oo dhan iyo hal’abuurkiisa waxa uu isugu geeyay inuu soo saaro sawir uu ku cabirayo jaceelka uu uqabo ciyaaraha Olompic-da caalamka ee labii lixdii sanaba mar laqabto.

Devid Syrin goor sii horeeysay waxa uu bilaabay inuu Baska labada dabaq ah ee sida aadka ah looga isticmaalo boqortooyada UK usawiro qaabkeeda sida daanyeerka loo yaqaan Gorilaha ee ay afrikada dhexe caan kutahay,sida aad sawirka koreba ka aragtaan baska waxa uu shaabahaa daanyeerka Gorilaha waxa uu uyeelay laba gacmood wajigana waxa uu kaga egyahay daanyeer.

Dadka soo booqanaya magaalada London ee doonaya ineey ka qeyb qaataan daawashada ciyaaraha kala duwan ee Olompic-da London ayaa aad ula dhacay sawirkan iyagoo si fiican udaawada.

Baskan u eg daanyeerka ayaa waxa ku xiran Koronto waxa uuna leeyahay badhan laga riixo kadibna inta kor ukaco sidi daanyeerka oo kale ayuu waxa uu bixiyaa codka bini aadanka oo kale.

Syrin ayaa ku guuleeystay wax uu mudo farabadan ku fikirayay,waxa uuna kamid noqday sawiraayaasha Olompic-da kusoo bandhigay wax mucjiso ah.

Leave a Reply