Mo farah oo caawa Guul taariikhi ah ka gaarey Orodka 10,000 ee Mitir

Orodyahanka Mo Farah ayaa caawa ku guuleystey orodka 10,000 ee mitir ee ragga isagoo guul taariikhi ah ka gaarey orodka caawa,wuxuuna ordey , orod dhan 27 daqiiqo 30.42 isagoo ka hormaray oo kaalinta 2aadna soo ciriirsaday orodyahanka USA ee Galen Rupp halka kaalinta Saddexaad uu galay ninkii hore afar sano kahor ugu guulestey billada dahabka ee Tariku Bekele oo reer Ethiopia ah.

 

Mo farah oo u orda dalka Ingiriiska ayaa ku guuleystey billada dahabka ee ciyaaraha Olombikada caalamka isagoo hore u haystey billada dahabka orodada tobanka kun ee caalamka.

Garoonka Olombikada ee uu orodku ka socdey ayaa dadkii ku sugnaa ay aad ugu sacaba tumayen Mo Farah isagoo markii hore ay ka naxeen kadib markii tobankii daqiiqo ee ugu horeysey uu ahaa mid aan ka muuqan raggii la tartamayay.

 

Hase ahaatee waxa ay wax walba isbedeleen tobankii daqiiqo ee ugu dambaysay. Mo Farah ayaa waxaa la tartamayay orodyahano dhowr ah oo ka soo jeeda dalka Ethiopia iyo Kenya oo ah wadamada hore caalamka u haystay orodada dhaadheer ee tobanka kun oo mitir.

Markii uu orodku soo dhamaadey ayaa halmar oo kaliya waxaa isla kacey sawaxan garoonkii isagoo saxafiyiintii garoonka oo sawirro tiro badan ka qaatay, iyo sidoo kale waxaa gudaha u soo galay halkii uu ku dabaal-degayay Xaaskiisa Tania oo iyadu xaamilo ah iyo gabadhooda Rihanna, kuwaasi oo damaashaadka la wadaagay.

 

Mo Farah oo ku dhashay magaalda Muqdisho 23 March 1983 hase yeeshee isagoo sideed sano jira kuna beegan xilliyadii dagaalada sokeeye ee ay ka bilowdeen Soomaaliya ayaa tegey dalka Ingiriiska halkaa oo uu dhalashada dalkaasi la siiyey. Mo Farah ayaa sidii caadada u ahayd markii uu hubsaday inuu kaalinta koowaad galay uu Alle u sujuuday una mahadceliyey guusha uu gaarsiiyey oo aheyd mid taariikhi ah iyo weliba si gaar ah taariikh ugu ah Britain iyo guud ahaan Caalamka iyo soomaalida oo uu asal ahaan ka soo jeedo.

Leave a Reply