Natiijada Orodkii SamSam ee Olombikada 400 mitirka

Waxaa qadar yar kahor dhamaaday wareegii hore ee orodka haweenka ee 400 mitirka, oo ay ka qeyb qaadaneysay Gabadha Soomaaliya u ordaysa ee SamSam Maxamed Faarax.

Orodka maanta ayaa si weyn loo sugayey ayadoo garoonka ciyaaraha ee Olombikada ka socoto ay maanta si weyn u saameysay ciyaaraha Roob xoog badan oo ka da’aya magaalada London ee caasimada wadanka Ingiriiska.

Balse ciyaaraha ayaa sii socda, SamSam oo maanta ka qeyb qaadatay orodka 400 mitirka ee haweenka, ayaa ayadu usoo bixi weyday Finalka orodka 400 mitir.

Waxaa u soo baxay wareegada danbe ee ciyaaraha ororka Finalka qeybtii 1aad sadexda haween ee kala ah

1- Francena Mccorory (USA) 2- Christine Ohuruogu (UK) 3- Joy Nakhumicha Sakari (Kenya)

Wareega ay ka qeyb qaadatay Samsam ayaa waxaa ordayey 7 haween ah ayadoo SamSam oo Soomaaliya mataleysa ay gashay kaalinta 7aad. Hase yeeshee SamSam ayaa muujisay dadaal dheer, ayadoona la ordaysay maanta oryahano caan ah oo in muddo ah kusoo jiray tababaro iyo tartanka ciyaaraha fudud, ayadoona ay aad u adkeyd in Samsam ay ka badiso haweenkaasi ka gabar ordayey

Halka ka eeg Natiijada orodka haweenka 400 mitir Q 1aad

SamSam Maxamed Faarax

Qeybta labaad ee orodka haweenka 400 mitir, ayaa waxaa ayaduna qeybteedii labaad ka qeyb qaadatay Zourah Ali oo mataleysay dalka Jabuuti, waleesheen Zourah ayaa ayaduna sidoo kale kaalinta 7aad gashay wareegii orodka qeybta 2aad ee 400 mitir.

Halka ka eeg Natiijada orodka haweenka 400 mitir Q 2aad

Zourah Ali

Dhanka kale habeenimada caawa ayaa waxaa asaguna qeybtiisa ordi doona Maxamed Xassan Maxamed oo matalaya dalka Soomaaliya. Maxamed wuxuu dhashay taariikhdu markay ahayd (23 Agoosto 1993), wuxuuna Maxamed ka qeyb qaadan doona orodka dhexe ee 1500 mitir.

Ciyaartaasi oo dhici doonta marka ay saacadu tahay:

20:05 fiidnimo wakhtiga Ingiriiska 21:05 fiidnimo wakhtiga bartamaha Europe 22:05 fiidnimo wakhtiga Soomaaliya

Maxamed ayaa sidoo kale rajo weyn ka qaba inuu guul usoo-hooyo wadanka Soomaaliya oo horey u aheysan jiray Horyaalka orodka 1500 xiligii uu ordi jiray Halyeyga Soomaaliyeed ee Cabdi Bile.

Leave a Reply