Faah faahinta Horyaalka Talyaaniga

Kooxda Inter ay heshay guusheedi ugu horeysay oo ay ku gaartay garoonkeeda San Sinro xilli ciyaareedkan kadib marki ay xalay 2-1 uga badisay kooxda Fiorentina.

Nerazzurri waxay dooneysay in ay soo dhameyso abaarta ka heysay xaga guulaha ee garoonkeeda San Siro, laakin waxay ka cabsi qabtay Fiorentina oo sanadkaan ka mid ah kooxaha ugu qatarsan Serie A-da Talyaaniga.

Wesley Sneijder, Rodrigo Palacio, Cristian Chivu, Dejan Stankovic iyo MacDonald Mariga ayaa dhamaantood ahaa kuwa saarnaa miiska daweynta kooxda sababo xaga dhaawaca ah, ahlka Viola ay ka maqnaayeen Alberto Aquilani, Mounir El Hamdaoui iyo Francesco Della Rocca.

Sidaasi daraadeed macalinka Inter Andrea Stramaccioni wuxuu ciyaaray habka 3-5-2 si uu u garaaco Fiorentina oo 11-ki kulan ee ay ugu danbeeyey ee ay booqatay garoonka Meazza laga badiyey, lix gool ayey ku dhalisay halka looga dhaliyey 23 gool.

Inter goolkeeda koowaad waxaa siiyey Diego Milito oo ka faa,ideystay kubad uu soo habeeyey Cassano, waxaana goolkaasi ay ku dhaliyeen weerar celisa daqiiqadi 16-aad, halka goolka kalana uu saxiixay Antonio Cassano daqiiqadi 35-aad, halka Goolka qura ee Fiorentina uu saxiixay Ramulo.

Ciyaartooydi labada dhinac u kala safneyd:

Inter: Handanovic; Ranocchia, Samuel, Juan Jesus; Nagatomo, Zanetti, Cambiasso (Mudingayi 82), Gargano, Coutinho (Alvarez 71); Milito (Guarin 85), Cassano.

Fiorentina: Viviano; Roncaglia, Rodriguez, Tomovic; Cuadrado (Toni 70), Romulo, Pizarro, Borja Valero (Migliaccio 82), Pasqual; Ljajic (Mati Fernandez 46), Jovetic.

Ciyaaraha kalana kooxuhu waxay isu arkeen sidan:

 

Atalanta 1 – 5 Torino
Bologna 4 – 0 Catania
Cagliari 1 – 2 Pescara
Inter 2 – 1 Fiorentina(19.45)
Juventus 4 – 1 Roma(Sat 19.45)
Lazio 2 – 1 Siena
Palermo 4 – 1 Chievo
Parma 1 – 1 Milan(Sat 17.00)
Sampdoria 0 – 1 Napoli
Udinese 0 – 0 Genoa(11.30)

Leave a Reply