Jabhada M23 oo diiday inay dib uga baxdo magaalada Goma

Maalinimadii Shalay (Isniin) ayey ku ekayd xiligii loo qabtay in Jabhada M23 ee ka dagaalanta dalka DR Congo inay isaga baxdo magaalada labaad ee ugu weyn dalkaasi ee Goma oo todobaadkii tagay gacanta u gashay.

Dowlada DR Congo iyo wadamada Afrikaanka ayaa horey ugu baaqay in jabhada M23 ay dib uga baxdo magaalada Goma ee xarunta u ah gobalka Macdanta Qaniga ku ah ee Bariga dalkaasi Congo.

Wakhtiga loo qabtay ayaa shalay ku ekayd ayadoo lagu waday in wadahadal toos ah laga dhex bilaabo dowlada iyo Jabhadaasi oo horey uga tirsanaan jirtay ciidamada dowlada Congo.

Jabhadan oo ay u badan yihiin dagaalyahanada Tuttsiga ee taageerada ka hela wadamada Ugandha iyo Rwanda ayaa hada soo bandhigay codsiyo cusub oo la xariira dhanka siyaasada, ayadoo horey Jabhadan ugu doodi jirtay waxa kaliya oo ay doonayaan inay tahay in wadahadal la galaan dowlada.

Guulihii ay jabhadu gaartay iyo dhego adeygii hore ee dowlada Congo oo markii hore diiday inay jabhada la fariisato miiska wadahadalka ayaa la sheegay inay sababtay in hada Jabhada oo kalsooni dheeraad ah hesho oo ay lasoo baxdo waji siyaasadeed oo cusub, isla markaana codsato isbedal baaxadleh oo lagu sameeyo xukuumada Congo.

Leave a Reply