Qarax khasaaro badan keenay oo ka dhacay caasimada dalka Siiriya

Qaraxyo bambaano oo ka dhacay caasimada Siiriya ee Dimishiq ayaa keenay dhimasho iyo dhaawacyo badan.

Weerarkan maalinimadii shalay (Arbaca) ka dhacay Bariga magaalada Dimishq ayaa ah kii ugu xooga badnaa oo ka dhaca caasimada Siiriya todobaadyadii lasoo dhaafay.

Ugu yaraan 50 qof ayaa la rumeysan yahay in qaraxyadan bambaano ay ku dhinteen, halka dad ka badan 100 qof ay ku dhaawacmeen.

Weerarkan ayaa ka dhacay Xaafada Bariga magaalada Dimishiq ee Jaramana oo ay ku badan yihiin dadka laga tiro badan yahay ee Kirishtaanka iyo dadka Duruse loo yaqaan.

Weerarkan ayaa loo adeegsaday labo gaari oo lasoo saaray waxyaabaha Qarxa, illaa iyo hada ma jirto cid sheegatay weerarkan bambaano.

Dowlada ayaa ku eedaysay in weerarkan ay soo abaabuleen mucaaridka la dagaalamaya halka Mucaaradkuna uu ku eedeeyey in sirdoonka dowlada Bashaar Al Assad ay ka danbeyaan, isla markaana horey qaraxyo noocaan ah ugu adeegsatay dowlada in shacabka Siiriya ku leyso bilihii lasoo dhaafay.

Dhanka kale dowlada Ruushka ayaa lagu eedeyey inay hada bilowday in Lacag u soo daabacdo dowlada Siiriya, lacagtaasi oo Ruushka diyaarado looga soo qaado.

Lacagtan ayaa la sheegay in dowlada Bashaar Al Assad ay ku bixiso musharaadka ciidamadeeda. Dalka Siiriya ayaan hada soo saari karin lacago cusub, maadaama cunaqabteyn caalami ah la saaray.

Bilihii lasoo dhaafay ayaa la sheegay in lacag u dhiganta 4 bilyan oo dollar uu Ruushka u daabacay wadanka xukuumada Bashaar Al Assad, lacagtaasi oo culeyskeedu dhamaa  270 oo tan ayaa la sheegay in diyaarado lagu keenay gudaha wadanka Siiriya.

Leave a Reply