Al-shabaab oo qiratay in Jowhar laga qabsaday

Al-shabaab, oo inta badan aan looga baran markii magaalo ama degmo laga qabsado ineey kahadlaan, ayaa maanta waxaa uhadalay afhayeenka dhinaca howlgalada uqaabilsan C/casiis Abuu Muscab, waxaa uuna sheegay hadal horay loogu bartay Al-shabaab oo ahaa ineey magaalada Jowhar uga baxeen xeelad dagaal.

Abuu Muscab, ayaa sidoo kale sheegay in maalmaha soo aadan ay wax isbadali karaan, lagana yaabo ineey markale dib uqabsadaan waa siduu hadalka udhigaye.

Ciidamada doowlada iyo kuwa AMISOM, ayaa maanta duhurtkii waxay si nabadgalyo ah kula wareegeen magaalooyinka Jowhar iyo Mahadaay.

Al-shabaab, ayaa 4 sano kadib oo ay xukumayeen magaalooyinka jowhar iyo Mahadaay maanta isaga huleelay halkaas, kadib markii ay u caal waayeen gulufka xoogan ee kaga yimid ciidamada isgarabsanaya.

Magaalooyinka Jowhar iyo Mahadaay oo kamid ah magaalooyinka Shabeellada Dhexe, ayaa waxay kamid yihiin meelaha ugu soo wax soo saarka badan wadanka Soomaaliya

Leave a Reply