Dowlada Federaalka oo sheegtay hawlgalo cusub oo ka dhan ah Al Shabaab

Wasiirka Gaashaandhiga ee Dowlada Federaalka Soomaaliya Cabdiraxmaan Xaaji Maxamuud Fiqi ayaa booqasho labadan maalmood ku maraya goobaha ay ku sugan yihiin ciidamada DFS iyo kuwa AMISOM ee gobalka Shabeelada Hoose iyo shabeelada Dhexe.

Wasiirka ayaa sheegay in uu kormeer ku marayo goobaha ay hada ku sugan yihiin ciidamada Dowlada iyo AMISOM isla markaana ka dhawaajiyey hawlgalo iyo dagaalo cusub oo lagu doonayo in xarakada Al Shabaab looga saaro qeybo kamid ah koonfurta dalka Soomaaliya.

Wasiirka ayaa sheegay in xukuumada cusub dooneyso inay sameyso ciidamo cusub oo ah kuwa dowlada, isla markaana tayo u leh in ay gacanta ku dhigaan gobalada weli ka maqan gacanta dowlada. Wuxuuna uga digay askarta ciidamada dowlada inay ku kacaan falal ka dhan ah shacabka ama xad-gudubyo u geystaan dadka rayidka ah.

Warar hoose oo Horseed Media soo gaaraya ayaa sheegay in dowlada Federaalka xiligan codsiyo kala duwan u dirtay wadamada Caalamka qaarkood, codsiyadaasi oo ay qeyb ka tahay qaadistan cunaqabteynta hubka iyo waliba sidii loo qalabeyn lahaa ciidamo xoogleh oo hoos yimaada dowlada Federaalka ee Soomaaliya.

Wasiirka Gaashaandhigga oo ay wehliyaa wasiirada Arrimaha Gudaha, Garsoorka, Xildhibaanno iyo saraakiisha Ciidamada Militariga, Booliiska iyo Nabad Sugidda, ayaa maanta gaaray magaalada Marka ee xarunta gobalka Shabeelada Hoose.

Leave a Reply