Golaha Wasiirrada Soomaaliya oo ka digay Duufaanno xooggan oo ku dhufta Xeebaha Somalia

Kulan ay Maanta Magaalada Muqdisho ku yeesheen Golaha Wasiirrada Soomaaliya oo uu shir guddoominayay R/Wasaaraha C/Faarax ayaa looga dooday arrimo ay kamid yihiin Amniga iyo duufaan laga yaabo inay saameyso Xeebaha Soomaaliya gaar ahaan Degmooyinka ku teetsan Xeebta.

 

Wasiirka arrimaha Gudaha iyo amniga Xukuumadda F. Somalia oo Saxaafadda la hadlay Shirka kadib ayaa xusay in Goluhu ay go’aamiyeen in Ciidamo Roondo ah loo sameeyo xasilinta amniga dalka islamarkaana laga hortago Weerarro ay shabab qorsheynayaan inay kasoo qaadaan Degmada Deyniile halkaas oo la tuhmayo inay isku uruursanayaan dagaalyahannadooda.

Wasiirka ayaa tilmaamay in Ciidamo dheeraad ah oo isugu jira Boolis,Milateri iyo Nabadsugid la geyn doono Degmada Deyniile iyo deegaannada kale ee laga cabsi qabo in weerarro laga soo abaabulo.

Wasiirka Amniga Qaranka iyo Arr.Gudaha ayaa uga digay dhammaan dadweynaha ku nool xaafadaha ku dhawdhaw xeebta liido inay ka foojignaadaan duufaantaasi soomaaliya kusoo wajahan maalinta Talaadada sida ay shaaciyeen Xeeldheereyaal ku taqasusay Cilmiga Sceince-ka

Leave a Reply