Isra’iil oo cadaadis xoogleh uga yimid Midowga Yurub iyo Maraykanka

Waxaa isa soo taraya dhaliisha xukuumada Isra’iil uga imaaneysa Wadamada Caalamka kadib markii ay ku dhawaaqday inay dib u bilaabi doonto boobka ay ku heyso dhulka reer Falastiin ee Bariga magaalada Qudus iyo Daanta Galbeed.

Waxaa maalinimadii shalay (Isniin) loo yeeray safiirada Isra’iil u fadhiya wadamada UK, France, Spain, Denmark iyo Sweden, ayagoo su’aalo laga weydiiyey qorshaha ay shaacisay xukuumada Isra’iil.

Dowladahan kamid ah Midowga Yurub ayaa si weyn u dhaliilay go’aanka ay xukuumada Isra’iil qaadatay kadib codbixintii Qaramada Midoobay todobaadkii tagay aqoonsiga dheeraadka ah lagu siiyey wadanka Falastiin.

Midowga Yurub ayaa ku cadaadinaya Isra’iil inaysan dhisin guryo cusub oo sharci daro ah oo laga dhisayo dhulka ay leeyihiin Falastiin, dhulkaasi oo ay Isra’iil dooneyso inay xoog iyo awood militari kula wareegto.

Wadamada Ruushka iyo Germany ayaa sidoo kale baaq u diray xukuumada Isra’iil inay qorshahan joojiso, halka Maraykanka oo ah taageeraha ugu weyn ee Isra’iil ay sidoo kale xukuumada isra’iil uga digeen go’aankooda. Maraykanka ayaa ugu baaqay xukuumada Benjamin Nentanyahu inuu dib uga noqdo go’aankiisa.

Balse qoraal kasoo baxay isla shalay xafiiska Raysalwasaaraha Isra’iil ayaa lagu sheegay in go’aankii horey ay xukuumada Isra’iil u qaadatay aan dib looga noqon doonin.

Isra’iil ayaa dooneysa inay guryo cusub oo gaaraya 3000 (sadex Kun) ka dhisto dhulka Falastiiniyiinta ay leeyihiin ee Bariga Qudus.

Qorshahan ayaa hadii uu hirgalo wuxuu labo u kala jari doonaa dhulka Daanta Galbeed ee Falastiin.

Wuxuuna sidoo kale kala jari doonaa dhulka uu maamulka Falastiin ka arrimiyo iyo magaalada barakeysan ee Qudus, taasi oo adkeynaysa in Falastiin ay hesho wadan isku xiran oo magaalada Qudus qeyb ka tahay.

Leave a Reply