Laba Qof Oo Ku Dhimatey Bom Lagu Tuurey Goob Lagu daaqwado Filmaanta

Ugu yaraan 2 Qof ayaa ku geeriyootay sadex kalena wey ku dhaawacmeen kadib bam xalay lagu tuuray Goob Shaneemo ah oo laga daawanayay Ciyaaro.

Bamka lagu soo tuuray Goobtaasi lagu daawanayay Ciyaaraha ayaa dhacay xilli ay dhallinyaradu xamaasadeesnaayeen oo ay ku mashquulsanaayeen daawashada ciyaar xiiso leh waxaana Goobta bamka lagu tuuray oo ku taalla degmada Wadajir howlgal ka sameeyay Ciidamo ka tirsan DF Somalia.

Dadkii ku dhaawacmay Bamka ayaa la geeyay isbitaalka Madiina halkaas oo lagu dabiibayo.

Ma jirto cid si toos ah u sheegatay Masuuliyadda bam Gacmeedkaasi

Leave a Reply