Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka ah ee Soomaaliya oo booqasho ku jooga Uganda

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa maanta booqasho ku tagay caasimadda dalka Uganda ee Kampala. Waxayna halkaas kula kulmeen Madaxweynaha dalka Yuganda Mudane Yuweri Musaveni.

Madaxweynaha waxaa ku weheliyay booqashadiisa R/Wasaare ku xigeenka ahna Wasiirka Arrimaha Dibadda, Marwo Fowziyo Yusuf Xaaji Adan, Wasiiirka Gaashaandhiga Mudane C/Xakiim Maxamuud Xaaji Fiqi, Wasiirul Dowlaha Madaxtooyada Mudane Faarax Sh,Cabdulqaair, iyo saraakiil ka tirsan Madaxtooyada Soomaaliya .

Labada masuul ayaa kulankooda diirrada ku saaray sidii loo xoojin lahaa xirriirka labadda dal,Waxaana si gaar ah looga hadlay, amniga, ganacsiga iyo qaabka Ciidamadda Xooga Dalka Soomaliyeed loo tayayn lahaa.

IMG_3036

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya wuxuu uga mahadceliyay dowlada iyo shacabka Uganda taageeradda ay siiyeen Soomaaliya,wuxuuna Madaxwaynuhu cadeeyay in shacabka Soomaaliyeed ay abaal u hayaan shacabka iyo dowladda Uganda oo is garab taagtay Soomaaliya xilli ay ku jirtay marxalad adag.

Kulanka labada Madaxwayne ayaa ku soo idlaaday is faham buuxa oo laga gaaray dhamaan qodobadii laga wada xaajooday.

Booqashada Madaxwaynaha ee dalka Uganda ayaa qayb ka ah safaro uu ku marayo dalalka ku yaala mandaqada bariga Africa oo ay dalka Soomaaliya leeyihiin xiriir soo jireen ahaa iyo iskaashi dhaqan- dhaqaale,waxayna dowlada Soomaaliya ee uu Madaxwayne Mudane Xasan Sheekh Maxamud hogaaminayo dadaal ugu jirtay mudooyinkan sidii loo xoojin lahaa daris wanaaga iyo saaxiibtinimada dalalka gobolka.

IMG_3084

IMG_2900

IMG_3034

Leave a Reply