Maraykanka oo digniin adag u diray Bashaar Al Assad

Madaxweynaha Maraykanka Barack Obama ayaa digniin u diray xukuumada Bashaar Al Assad ee dalka Siiriya, inaysan hubka Kimikaalka aysan u adeegsan shacabkeeda.

Barack Obama ayaa sheegay in digniintan ku socoto Madaxweynaha Siiriya, isla markaana hadii uu adeegsado hubkaasi in tilaabo cad laga qaadi doono xukuumadiisa iyo asaga Bashaar al Assad shaqsiyan.

Digniintan ayaa soo baxeysa kadib markii la dareemay dhaq dhaqaaqa ciidamada dowlada Siiriya oo la sheegay in maalmihii lasoo dhaafay ay bilaabeen inay iridaha u furaan kaydkooda hubka kimikaalka. Maraykanka iyo wadamo kale oo reer Galbeedka ah ayaa dhanka Satteliteka kala socda dhaq dhaqaaqa ciidamada Siiriya.

Xoghayaha arrimaha dibada ee Maraykanka Hillary Clinton oo  ayaduna shir jaraa’iid qabatay ayaa sheegtay in lama huraan ay noqoneyso in wadamada reer Galbeedka ay tilaabo adag ka qaadaan xukuumada Siiriya hadii ay bilowdo adeegsiga hubka Kimikaalka ah.

Dowlada Siiriya ayaa ayadu beenisay inay heysato hubka aduunka mamnuuca ka ah ee Kimikaalka, walow sirdoonka reer Galbeedka ay la socdaan in dowlada Siiriya in muddo ah heysatay hubkaasi, hadana xukuumada Bashaar Al Assad ayaa sheegtay inaysan adeegsan hubkaasi isla markaana mustaqbalka adeegsan doonin xataa hadii ay heysato.

Wadamada reer Galbeedka ayaa illaa iyo hada weli faraha lasoo gelin xiisada iyo dagaalada ka socda wadanka Siiriya, ayagoo ka cabsi qaba waxa imaan kara marka xukunka laga tuuro xukuumada Bashaar, waxayna reer Galbeedka shaki weyn ka qabaan kooxaha islaamiyiinta ah ee hada si weyn ulla dagaalamaya xukuumadaasi.

Balse Maraykanka ayaa u muuqda inuu u gogol xaarayo farogelin uu ku sameeyo wadanka Siiriya hadii hubka Kimikaalka uu adeegsado Bashaar Al Assad oo todobaadyadii lasoo dhaafay ciidamadiisa bilaabeen inay duqeeyaan hareeraha magaalada caasimada Dimishiq oo ay xooga soo saareen kooxaha mucaaridka.

Xukuumada Siirya ayaa u muuqata mid hada wixii awood ah oo ay leedahay adeegsaneysa ayadoo laga cabsi qabo inay bilowdo adeegsiga hubka sida ba’an wax u dila ee Kiimikaalka ah.

Leave a Reply