Maxabiis ka baxsadey xabsi ku yaala magaalada Baydhabo

Dhalinyaro ku eedaysnaa in ay ka tirsanaayeen Xarakada al-Shabaab ayaa ka baxsadey xabsiga magaalada Baydhabo ee xarunta Gobolka Baay.

Maxabiistan oo gaaraya 20 maxbuus ayaa wararka qaarkood sheegayaan in loo ududeeyey in ay halkaas ka baxsadaan. Maamulka xabsiga ayaa ku doodaya in ay jabsadeen derbiga halkaasna ka baxsadeen.

Maalmihii u danbeeyey waxaa ka socdey magaalada Baydhabo hawlgalo lagu soo qabtey dhalinyaro badan kuwaas oo ku eedaysnaa in ay xubno ka yihiin xarakada al-Shabaab ee dagaalka kula jirta dawladda Soomaaliya.

Leave a Reply