Maxamuud Cabaas oo si weyn loogu soo dhaweeyey Falastiin

Madaxweynaha Falastiin Maxamuud Cabaas ayaa maanta dib ugu soo noqday magaalada Ramallah ee Daanta Galbeed kadib guushii Falastiin uga soo hooyatay codbixintii Qaramada Midoobay ee aqoonsiga dheeraadka ah lagu siiyey Wadanka Falastiin.

Maxamuud Cabaas oo ay soo dhaweeyeen kumanaan dad ah oo ruxayey calanka Falastiin iyo sawirada Madaxweyne Cabaas, ayuu halkaasi khudbad uga soo jeediyey Maxamuud Cabaas oo ugu baaqay Isra’iil inay dib ugu soo noqoto miiska wadahadalka.

“..Haa wax badan baanu usoo halgameynay maantana Wadankeena waa mid la aqoonsan yahay.. waxaan ugu baaqayaa Isra’iil inay si shuruud la’aan ah miiska wadahadalka usoo fariisato…”ayuu yiri Maxamuud Cabaas oo khudbad kooban usoo jeediyey shacabkii soo dhaweenayey.

Maamulka Isra’iil oo asagu ku guuldareystay inuu hor istaago mooshinkii Falastiin lagu aqoonsaday ayaa bilaabay cadaadis horleh uu saarayo maamulka Falastiin.

Maanta ayuu Wasiirka Maaliyada Isra’iil shaaca ka qaaday in aysan bixin doonin lacagihii Falastiin lahaayeen oo canshuuraha israa’iil ay u qaado goobaha ay xooga ku heysato. Sidoo kale Xukuumada Isra’iil ayaa Jimcihii sheegtay inay dib u bilaabeyso guryaha Yuhuuda looga dhisayo dhulka ay leeyihiin shacabka Falastiin.

Maxamuud Cabaas oo ka hadlaya arrintaas ayaa yiri “.. waxaa jira 15 qaraar oo kasoo baxay Qaramada Midoobay oo lagu sheegayo sida ay sharci darada u tahay in dhulka Falastiin la boobo oo guryaha laga dhisto, arrintaasina waa caqabad hortaagan nabadeynta Bariga dhexe…”

Maxamuud Cabaas ayaa soo dhaweyn halyey kala kulmay shacabka Falastiin kadib markii maamulkiisa uu ku guuleystay inuu helo taageerada 138 wadan oo kamid ah 193 wadamada xubnaha ka ah Qaramada Midoobay oo u codeeyey in aqoonsi dheeraad ah lasiiyo Falastiin

Leave a Reply