Nelson Mandela oo Isbitaalka la dhigay

Madaxweynihii hore ee dalka Koonfur Afrika Nelson Mandela ayaa xalay la dhigay isbitaalka kadib markii la sheegay inuu kusoo booday xanuun aan wax faah faahin ah laga bixin.

Qoraal kasoo baxay Xafiiska Madaxweynaha wadanka Koonfur Afrika Jacob Zuma, ayaa lagu sheegay in xaalada Madaxweynihii hore ay tahay mid degen isla markaana ay u socdaan daawooyin.

Mandela oo astaan u ah halgankii Koonfur Afrika u gashay xoriyadeeda, ayaa sidoo kale ah Madaxweynihii ugu horeeyey ee dalkaasi si xor ah loo doorto sanadkii 1994tii.

Mandela ayaa hada ah 94 sano jir, waxaana horey marar badan isbitaalka loo dhigay xanuuno kala gedisan, maadaama uu yahay nin xiligan da’ah, waxaana markii ugu danbeysay isbitaalka la dhigay bishii Feberaayo ee sanadkan, xiligaasi oo la sheegay in xanuun dhanka caloosha ah laga daaweeyey.

Mandela ayaa hada lagu hayaa isbitaal ku yaal magaalada Pretoria. Madaxweynihii hore ayaa muddooyinkan ku nool guri uu ku leeyahay deegaanka uu kasoo jeedo ee Qunu.

Leave a Reply