Qaraxyo ka dhacay Ciraaq iyo Raysalwasaaraha oo wadamo kale eedeeyey

Qaraxyo ka dhacay dhawr magaalo oo ku yaal dalka Ciraaq ayey ku dhinteen dad ka badan 10 qof, xili ay wadankaasi kasocdaan mudaharaadyo looga soo horjeedo xukuumada.

Magaalooyinka Mussayib iyo Hilla oo ku yaal koonfurta magaalada Caasimad ah ee Baqdaad ayey ku dhinteen dad badan kadib markii weeraro bambaano lala beegsaday suuqyada magaaladaasi.

Magaalada Kirkuk ee ku taal waqooyiga dalka Ciraaq ayey sidoo kale ka dhaceen weeraro qorsheysan oo lala beegsaday xarumaha ciidamada Amniga.

Weeraradan ayaa kusoo beegmaya xili qeybo kamid ah wadanka Ciraaq ay ka socdaan mudaharaadyo ay dhigayaan dadka Sunnida ah oo ay uga soo horjeedaan xukuumada Shiicada u badan ee uu hogaamiyo Raysalwasaare Nuuri Maliki.

Shacabka mudaharaadaya ayaa codsanaya inay xukuumada xabsiyada kasii deyso dadka siyaasada u xiran ee Sunnida ah.

Raysalwasaaraha Ciraaq Nuur Maliki oo markii ugu horeysay oo uu arrintan ka hadlay sheegay in banaanbaxyada looga soo horjeedo xukuumadiisa ay soo abaabuleen wadamo kale. Waxaa la filayaa in Raysalwasaraha eedan dusha uu ka saarayo wadamada kale ee Carabta gaar ahaan Khaliijka.

Leave a Reply