Wasiirka Gaashaandhiga Jabuuti oo booqday magaalada Beledweyne

Magaalada Beledweyne ayaa maanta waxaa gaaray wafdi uu hogaaminayo Wasiirka Difaaca ee dalka Jabuuti, wafdigaasi oo booqanaya ciidamada ka socda Jabuuti ee ka tirsan AMISOM, kuwaasi oo hada ku sugan magaalada xarunta u ah gobalka Hiiraan.

Cabdulqaadir Maxamed Kaamil Wasiirka Gaashaandhiga ee Jabuuti ayaa safarkiisii ugu horeeyey ku tagay Beledweyne oo ay hawlgalo nabad illaalin u joogaan ciidamada dalka Jabuuti.

Ciidamada Jabuuti ayaa bilihii lasoo dhaafay magaalada Beledweyne ka waday hawlgalo iyo shirar u sameenayeen dadka deegaanka, ayadoo inta badan shacabka deegaanka ku dhaqan ay soo dhaweeyeen ciidamadaasi oo hab dhaqankooda uu aad uga gedisan yahay ciidamadii horey halkaasi u joogi jiray ee dowlada Itoobiya.

Madaxweynaha DFS Xassan Shiikh Maxamuud oo todobaadkii hore booqasho ku tagay dalka Jabuuti ayaa arrimaha uu dowladaasi kala hadlay ay kamid ahayd iskaashiga labada dowladeed ee dhanka militariga in sare loo siiqaado, isla markaana Jabuuti ay kaalin weyn ku yeelato hogaanka iyo hawlgalada ciidamada AMISOM ee midogw Afrika ee ku sugan wadanka Soomaaliya.

Dowlada Jabuuti ayaa lagu wadaa in dhawaan lagu soo kordhiyo 1000 askari oo dheeraad ah oo dhawaan ka imaan doona dalkaasi kuna biiri doona ciidamada ku sugan gobalka Hiiraan.

Leave a Reply