80 qof meydkooda oo laga helay magaalo ku taal Siiriya

Waxaa maalinimadii shalay laga helay magaalada Aleppo ee dalkaasi Siiriya meydadka ugu yaraan 80 qof oo rayid ah oo la dilay.

Dadkan ayaa laga soo saaray wabiga dhexmara magaalada Aleppo oo ah magaalo ay weli ka socdaan dagaalada u dhaxeeya xukuumada Bashaar Al Assad iyo xoogaga kacdoonka ka wada dalkaasi Siiriya.

Dhamaan dadka meydadkooda la helay ayaa la sheegay inay yihiin rag waxaana qof ugu da’a yar dadkii la helay uu ahaa wiil 12 sano jir ah. Dhamaan dadkan ayaa la wada toogtay qaarkoodna waxay ka xirnaayeen gacmaha iyo lugaha.

Magaalada Aleppo ayaa ah magaalo labo qeybood u kala qeybsan oo ay kala heystaan labada dhinac ee dagaalamaya waxaana magaalada dhexmara Wabiga ka yimaada dalka Turkiga.

Meydadkan ayaa laga dhex helay webiga iyadoo lagu eedeeyey inay dileen dadkan ciidamada dowlada, halka dowladuna ay ku eedaysay kooxaha kasoo horjeeda. Walow ehelada dadkan oo ku nool Aleppo ay sheegeen inay aaminsan yihiin in xasuuqan ay geysteen ciidamada dowlada Bashaar Al Assad.

Meydadka ayey wabiga kasoo saareen dad shacab ah waxaana lasoo dhigay bartamaha magaalada si ay shacabka u eegaan oo loo helo ehelada dadkan la xasuuqay. Qaar kamid ah dadkii meydadkan soo saaray ayaa sheegay in ay arkayeen meydad kale oo badan balse u suurtoobi weyday inay webiga kasoo saaraan kadib markii ay soo shiisheen ciidamada dowlada oo ku sugan qeybo kamid ah magaalada.

Leave a Reply