Diyaarado Dagaal oo Dul Heehaabaya Hawada Degmada Baardheere ee Gobbolka Gedo

 

Wararka ka imaanaya Gobolkas Gedo  gaar ahaan Degmada Baardheere ayaa 

Dadka ku nool Baardheere oo Maanta la hadlay warbaahinta ayaa u sheegay in xaalada Magaalada ay kacsan tahay, sidoo kalana ay maqlayaan guuxa diyaaradaha dagaalka ee dul heehaabaya, waxayna sheegeen in ay cabsi xoogan soo wajahday.

 

Mid ka mid ah Dadka ku sugan Baardheere oo goor dhow aan la xiriirnay ayaa inoo sheegay in ay shacabka cabsanayaan, maadaama diyaaradaha dagaalka ay dul joogaan Hawada Magaalada, wuxuuna sidoo kale sheegay in ciidamada Alshabaab ay ku jiraan Taxadar dheeraad ah.

Magaalada Baardheere ayaa waxaa heysto Xarakada Alshabaab, waxaana maalmihii dambe ka socday shirar ay yeelanayaan masuuliyiinta ugu sareysa Alshabaab, iyagoo kulamadaasi uga arinsanaya dagaalada ay wajahayaan iyo siyaasadooda.

Ilaa hada ma jirto meel ay diyaaradaha duqeeyeen, waxaana laga cabsi qabaa inay madaafiic la dhacaan goobaha ay kaga shakisan yihiin in ay ku sugan yihiin saraakiisha Alshabaab, iyadoo khasaaraha sidoo kale uu soo gaarayo shacabka Rayidka ah.

Diyaaradaha dagaalka ee wadamada Kenya, Mareykanka iyo Faransiiska ayaa duqeymo culus ka geystay Gobolada Dalka Soomaaliya, iyagoo ku dilay dad Rayid ah, mana jirto ilaa hada cid wax ka qabatay duqeymaha lagu dhibaateynayo shacabka Soomaaliyeed, iyadoo lagu mar marsiyoonayo Alshabaab.

Leave a Reply