Dowlada Imaaraadka oo xabsiga dhigtay Taageerayaasha Akhwaan Muslimiinka

Jariirada Al Khaliij ee kasoo baxda dalka Imaaraadka ayaa xog ay ka heshay sirdoonka Imaaraadka Carabta lagu sheegay in Dowladaasi ay qab qabatay 10 hogaamiye oo ka tirsan dhaq dhaqaaqa Akhwaan muslimiinka, kuwaasi oo abaabul ka waday gudaha dalka Imaaraadka Carabta.

Xogtan ayaa lagu sheegay in ragga la qabtay ay ku jiraan aqoonyahano iyo dhakhaatiir xiriir laleh Akhwaan Muslimiinka dalka Masar fadhigoodu yahay. Warbixintan ayaa lagu sheegay in xubnaha la qabqabtay ay wadeen diiwaangelinta Akhwaan Muslimiinka ku sugan gudaha Imaaraadka Carabta iyo waliba tababaro la xariira dhanka kacdoonka shacabka iyo waliba aruurinta sirta la xariirta Difaaca wadankaasi Imaaraadka Carabta.

Xariga raggan la sheegay inay ku xiran yihiin Akhwaan Muslimiinka ayaa waxay keentay in maalinimadii shalay (Salaasa) ay taageerayaasha Akhwaan Muslimiinka Masar mudaharaad ku qabtaan irida hore ee Safaarada ay Imaaraadka Carabta ku leedahay magaalada Qaahira ee dalka Masar.

Dowlada Imaaraadka ayaa sheegtay inay sidoo kale qabatay kooxo islaami ah oo doonayey inay weeraro ka fuliyaan gudaha dalka Imaaraadka iyo waliba dalka Sucuudiga, dadkaasi oo dhamaantood kasoo jeeda labadaasi wadan ee Suciidiga iyo Imaaraadka.

Dowlada Imaaraadka ayaa horey ugu eedaysay Akhwaan Muslimiinka inay ka danbeeyaan kacdoonka ka socda wadamada Carabta isla markaana doonayaan inay xukunka ka tuuraan hogaamiyaasha hada xilalka ka haya wadamada Khaliijka.

Leave a Reply