Gen.Cadde Muuse oo lagu soo dhaweeyey magaalada Gaalkacyo

 

Madaxweynihii hore ee Puntland Gen.Cadde Muuse Xirsi ayaa maanta lagu soo dhaweeyey magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug.

Cadde Muuse ayaa la dejiyey Hotel Sugulle, waxaana uu si kooban ula hadley saxaafadda, “..waxaan u imid Puntland si aan uga qaybqaato in la badbaadiyo Puntland, waa middaas midda aan u imid maantana gaalkacyo, waxaan arkayaa dhamaan maamulka, Mucaaradka waxgaradka isimada waxaana kala hadlayaa sidii Puntland loo badbaadin lahaa oo looga dheeraan lahaa khilaaf saameeya nabadda Puntland..”

Gen.Cadde Muuse ayaa horey u soo marey magaalada Bosaso waxaana uu kulamo la qaatey Madaxweynaha Puntland Dr.Cabdiraxmaan Faroole iyaga oo ka wada hadley sida loo dhamayn karo khilaafka ka taagan Puntland, Madaxweynihii hore ee Puntland ayaa sheegay in isaga iyo Dr.Faroole waxna ay isku waafaqeen ayna jiraan waxyaabo kale oo ay ku kala aragti duwanaayeen

 
Gobolka Mudug ayaa ka mid ah meelaha aan laga soo dhaweyn nidaamka uu Dr.faroole wado mar xiligiisi gabaabsi yahay, waxaana qaarkamid ah siyaasiyiinta gobolkaas ku sugan iyo waxgaradkuba sheegeen in aysan wax ictiraaf ah u hayan Madaxweynaha Puntland 8 Jan 2013 kadib uuna noqonaayo shakhsi caadi ah.

 

Leave a Reply