John Kerry oo loo ansixiyey inuu noqdo Xoghayaha Arrimaha Dibada Maraykanka

Golaha odayaasha ee dalka Maraykanka (The Senate) ayaa si aqlabiyad ah u ansixiyey magacaabista Senator John Kerry oo xilka kala wareegi doona Xoghayaha Arrimaha Dibada ee Maraykanka Mrs.Hillary Clinton.

Codbixinta shalay loo qaaday ansixinta Xoghayaha cusub ee arrimaha dibada ee Maraykanka ayuu Senator Kerry cod aqlabiyad ah uga helay isla golaha uu ka tirsan yahay ee Senate. Isla shalay ayey guddiga arrimaha dibada u qaabilsan golaha ay ansixiyeen magacaabista John Kerry.

Madaxweynaha Maraykanka Barack Obama ayaa bishii lasoo dhaafay u magacaabay John Kerry xilkaasi, kadibna waxaa loo gudbiyey golaha senateka si ay u ansixiyaan.

John Kerry oo ah 69 sano ayaa isla golaha Senateka xubin kasoo ahaa muddo 28 sano ah, wuxuuna kasoo jeedaa gobalka Massachusetts, Senator Kerry ayaa horey usoo ahaa musharaxii Madaxweynaha ee xisbiga Dimuquraadiga doorashadii Maraykanka ee sanadkii 2004, xiligaasi oo uu la tartamayey Madaxweynihii xilka hayey ee George W Bush.

Leave a Reply