Madaxa ugu Sareeya UNHCR Soomaliya oo booqday Xarumaha GECPD Xarfo iyo Gaalkacyo

Madaxa ugu sareeya Hay’ada qaxootiga aduunka ee UNHCRC Soomaaliya Mr Bruno Geddo ayaa maanta booqasho kala duwan ku tagay goobaha waxbarsho ee hoostaga xarunta waxbarshada iyo horumarinta Nabadda (GECPD) ee degmooyinka Xarfo iyo Gaalkacyo oo hoostaga gobolka Mudug.
 
 
 
 
 

DSC00937

Masuulka ugu sareeya UNHCR Soomaliya, Bruno Geddo ayaa si weyn loogu soo dhaweeyay xarunta xanaaneynta gabdhaha ee degmada Xarfo oo ay gacanta ku hayso hay’ada GECPD waxana halkaas si weyn ugu soo dhaweeyay boqolaal ka tirsan gabdhaha danyarta ah ee wax ka barta xaruntaas.

Soo dhaweynta ka dib ayaa Bruno Geddo waxaa uu ka mahadceliyey sida wanaagsan ee loogu soo dhaweeyay Xarunta GECPD Xarfo, isagoo sheegay in uu aad ugu faraxsanyahay boqolaalkan gabdhaha ah ee sida wanaagsan wax loogu baro xarunta xanaaneynta gabdhaha ee Xarfo.

Maamulaha xarunta GECPD,  Xaawo Aadan Maxamed oo dhawaan ay hay’ada UNHCR ay gudoonsiisay abaalmarinta sanadka ee Nansen Refugee Award ayaa u mahadcelisay hay’ada UNHCR taageerada ay la garabtaagned xarunta GECPD intii ay socotay soo-saarida aqoonta gabdhaha danyarta a ee ku nool gobolka Mudug.

Mama Xaawa ayaa sidoo kale sheegtay in 1500 oo gabdho ah ay wax ka bartaan xarunta xanaaneynta gabdhaha ee Xarfo isla markaana ay helaan cuno iyo jiif wanaagsan, iyadoona sheegtay in gabdhahaas ay yahiin kuwa danyar ah iyo qaar ka tirsan barakacayaasha gobolka Mudug.

Xarunta GECPD ayaa ka mid ah xarumaha sida gaarka ah u daryeela gabdhaha danyarta ah iyo kuwa barakacyaasha ee ku sugan gobolka Mudug, waxaana horay ay u soo saartay dufcado kala duwan oo haatan qaarkood ay barayaal ka yihiin iskoolaadka hoostaga xarunta.

 
 

 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 
 

Dhanka kale Bruno Geddo ayaa maanta dhagax-dhigay dhisme cusub oo  loogu talagay jiifka dhalinyarada gobolka Mudug oo ku yaala garoonka cayaaraha ee GECPD waxaana xaruntaas lagu dhisayaa lacag dhan $300,000 ( Sadax boqol oo kun doollar ) Sida ay sheegtay maamulaha xarunta Maama Xaawo Adan Maxamed.

Maama Xaawo aadan ayaa sheegtay in $ 100,000 oo loo siiyay abaalmarintii Nansen Refugee Award ay ugu deeqday dhismahan cusub si dhalinyaradu ay u helaan hoy ay jiifsadaan waxayna inta dhiman lacagtaas ay ugu baaqday in shacabka gobolka Mudug ay ku deeqaan si loo horumariyo dhalinyarada gobolka.

Ugu danbaytii Hay’ada UNHCR ayaa u mahadcelisay Xarunta GECPD sida wanaagsan ay u wado horumarinta iyo tayeynta dhalinyarada ka soo barakacay kuunfurta Soomaliya waxayna sheegtay in GECPD ay siisay dhalinyaradaas waxbarsho iyo dib u dajin

Leave a Reply