Madaxweynaha Soomaaliya oo si weyn loogu soo dhaweeyey dalka Sudan

Madaxweynaha Federaalka Soomaaliya Xassan Shiikh Maxamuud ayaa si weyn loogu soo dhaweeyey dalka Sudan oo uu safar rasmi ah ku tagay shalay gelinkii danbe, waxaana halkaasi si diiran ugu soo dhaweeyey Madaxweynaha dalka Sudan Cumar Al Bashiir iyo madaxda dalkasi Sudan.

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa inta uu ku sugan yahay dalka Sudaan wuxuu ka qeyb gali doonaa munaasabada xoriyada dalka Sudaan iyo waliba furitaanka mashaariic laga fuliyey wadankaasi.

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa markii ugu horeysay booqanaya dalka Sudan oo kamid ah wadamada Afrikaanka iyo Carabta ee xiriirka weyn ka dhaxeeyo dalka Soomaaliya.

IMG_0090
IMG_0092
IMG_0094
IMG_0097
IMG_0098
IMG_0107
IMG_0110
IMG_0120
IMG_0130

 

Leave a Reply