Somaliland oo aan si weyn looga soo dhaweyn Aqoonsiga Maraykanka u fidiyey Federaalka Soomaliya

Kadib markii Dowlada Maraykanka ku dhawaaqday inuu aqoonsi rasmi ah siinayo Xukuumada Dowlada Federaalka Soomaaliya ayaa waxay shacabka ku dhaqan gobalada maamulka Soomaaliland ka taliyo si weyn uga doodayeen sida ay arrintan saameynta ay ugu yeelan karto Aqoonsi Raadiskii Maamulka Soomaaliland ka codsanayey Caalamka.

Shacabka ayaa in badan oo kamid ah walaac ka muujiyeen taageerada Caalamiga ah ee iyo waliba Aqoonsiga Rasmiga ah ee Dowlada Federaalka Soomaaliya ka helayso wadamada Awooda caalamka kuleh, ayagoo si weyn u hadal haya go’aanka Maraykanka gaaray.

Shacabka Soomaaliland ayaa maalmihii lasoo dhaafay warbaahinta u marinayey talooyin ku socda xukuumada Soomaaliland oo ku aadan inay dar dar geliso aqoonsi raadiskii ay Soomaaliland waday 21kii sano ee lasoo dhaafay. Shacabka iyo Waliba xisbiyada mucaaridka ee Soomaaliland ayaa ku dhaliilay Wasaarada Arrimaha Dibada ee Soomaaliland inay gaabisay kuna fashilantay hawshii loo xilsaaray.

Waxaa sidoo kale walaac xoogleh xukuumada Soomaaliland ka muujisay isu soo dhawaanshaha iyo aqoonsiga dheeraadka ah ee Dowlada Ingiriiska siisay dowlada xiligan hogaamisa maamulka Federaalka.

Dhawaan ayuu Maxamed Cabdullahi, Wasiirka Arrimaha Dibada ee Soomaaliland safar ku tagay dalka Ingiriiska xili ay halkaasi safar ku mareysay Wasiirka Arrimaha Dibada ee Federaalka Fowsiya Yusuf.

Wasiirka Soomaaliland ayaa ku guuldareystay inuu la kulmo Wasiirka Arrimaha Dibada ee Ingiriiska William Hague oo asagu qado sharaf iyo soo dhaweyn weyn u fidiyey Wasiirka ka socday Federaalka ee Fowsiya Yusuf. Dowlada Ingiriiska iyo Federaalka Soomaaliya ayaa sheegay inay dhawaan furan doonaan Safaaradihii labada dhinac ay ku kala lahaayeen London iyo Muqdisho.

Wasiirka Arrimaha Dibada ee Soomaaliland ayaa markii uu dib ugu soo noqday Hargeysa ku dhawaaqay in Soomaaliland ay dib uga qeyb qaadan doonin Wadahadalkii u dhaxeeyey Dowlada Federaalka iyo Soomaaliland hadii ay wadahadalkaasi kasoo qeyb galayaan xubno kasoo jeeda gobalada Somaliland, shuruudaasi oo ay sheegeen inaysan ka tanaasuli doonin.

Inkastoo hadalka Wasiirka Soomaaliland u muuqday mid ku socday dhanka Fowsiya Yusuf oo iyadu horey uga mid ahayd siyaasiyiintii u ololeyn jiray Somaliland balse dhawaan ku biirtay Xukuumada cusub ee Federaalka, ayeysan jawaab cad weli ka bixin Dowlada Federaalka.

Xubno kamid ah Xukuumada Dowlada Federaalka oo la hadlay Horseed Media ayaa sheegay in wadahadalka Federaalka iyo Soomaaliland aysan ahayn hawl inteeda badan khuseysa Wasiirka Arrimaha Dibada ee Fowsiya balse ay tahay hawl ay qorshaheedu leedahay Wasaarada Arrimaha Gudaha ee Federaalka.

Dowlada Maraykanka ayaa la filayaa inay sii wado Siyaasadeeda (Dual Track) oo ay xiriirka tooska ah kula leedahay maamulada Soomaaliland iyo Puntland, balse aqoonsigan dheeraadka ah ee Maraykanka siiyey Dowlada Federaalka Soomaaliya ayaa noqoneysaa mid awood dheeraad ah oo diblumaasiyadeed siineysa Dowlada Federaalka oo markaasi heshiisyo si toos ah ulla geli karta dalka Maraykanka iyo wadamada kale ee caalamka.

Dib u furida Safaaradaha Soomaaliya ee wadamada Reer Galbeedka ayaa kamid ah qorshaha Federaalka arrintaasi oo caqabad xoogan ku noqon karta dhaq dhaqaaqii diblumaasiyadeed ee Soomaaliland horey uga waday qeybo kamid ah wadamada caalamka gaar ahaan wadamada Maraykanka iyo Ingiriiska, arrintaasi oo illaa iyo hada weli miro dhal noqon weyday.

Leave a Reply