Wasiirka Difaaca Masar oo ka digay burbur ku yimaada wadankooda

Wasiirka Difaaca Masar ahna Taliyaha ciidamada Jeneraal Abdel Fattah al-Sissi ayaa ka digay xiisadaha siyaasadeed ee ka taagan dalka Masar inay keeni karto burbur ku yimaada dowladnimada wadanka Masar.

Hadalka wasiirka ayaa kusoo beegmaya xili ay mudaharaadyo kasii socdaan magaalooyin badan oo kamid ah dalkaasi Masar, xili todobaadkii tagay dad ka badan 50 qof ku dhinteen rabshadaha ka dhacay gudaha dalkaasi.

Jeneraal Al Sissi ayaa sheegay in muhiim ay tahay in xal siyaasadeed loo helo xiisada ka jirta dalkaasi, hadii ay taasi dhici weysona uu wadanka Masar khatar ugu jiro inuu ku yimaado burbur dowladeeda.

Hadalada kasoo baxay hogaanka Militariga ahna Wasiirka difaaca ayaa lagu soo beegay in Madaxweynaha Masar Maxamed Morsi uu xaalad deg deg ah kusoo rogay sadexda magaalo ee Ismaaciliya, Suweys iyo Boort Saciid (Port Said).

Leave a Reply