Wefdi ka socda Qaramada Midoobey oo Wasiirka Kowaad ee Soomaaliya la kulmay

Wasiirka Kowaad ee Soomaaliya Cabdi Faarax Shirdoon ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Kaaliyaha Xoghayaha Guud ee Xogahayaha Qaramada Midoobey u qaabilsan Siyaasadda.

Wefdi ka socda Q/M uu horkacayay kaaliyaha Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobey u qaabilsan arrimaha siyaasadda Jeffrey Feltman ayaa maanta soo gaaray Caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho, iyagoo xafiiskiisa kula kulmay r/wasaare Saacid oo ay wehliyaan Wasiirradda Arrimaha Gudaha, kan garsoorka iyo Gaashaandhigga.

Kulankii ay wada yeesheen wafdiga iyo Xukuumadda kadib waxaa shir jaraa’id oo wadajir ah qabtay Wasiirka kowaad ee xukuumadda Cabdi Faarax Shirdoon iyo Mr.Feltman.

Wasiirka kowaad ayaa xusay inay ka wada hadleen masuuliyiintan ka socotay Qaramada Midoobey arrimaha isbedelka siyaasadeed ee wadanka,Xaqiijinta nabadgelyada iyo dardar gelinta arrimaha gargaarka bani’aadaninimo iyo taageerada guud ee ay Qaramada Midoobey siineyso Dowladda Soomaaliya.

“Waxaanu si qota dheer uga wadahadalnay qodobo badan oo ay ugu horeyso aragtida Soomaaliyada cusub, iyo sidii Qaramada Midoobay uga taageeri laheyd sidii Soomaaliya ay awood ugu yeelan laheyd sugida Amniga iyo dib u dhiska dalka” ayuu yiri Wasiirka kowaad oo xusay in booqashada Kaaliyaha Xoghayaha guud ay caddeyn u tahay sida Caalamku u doonayo inuu u garab istaago Dowladda iyo Shacabka Soomaaliyeed.

Kaaliyaha Xoghayaha Guud ee Q/m ee Dhinaca Siyaasadda ayaa saxaafadda u sheegay inuu aad ugu faraxsanyahay booqashadiisa Muqdisho.

“Runtii wuxuu ahaa kulankani kulan muhiim ah oo aanu ka gaarnay isfaham iyo natiijo wanaagsan” ayuu yiri Feltman oo xusay in Q.midoobay ay u muuqato fursad wanaagsan oo ay ku garab istaagi karto Dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed ee iyagu go’aansaday inay aayahooda hagaajiyaan, doortayna dowlad rasmi ah.

Waxa uu Kaaliyuhu ku amaanay madaxda Dowladda isbedelka ay muujiyeen iyo sida wanaagsan oo ay howluhu uga socdaan gudaha wadanka.

Kulankan waxa uu dabajoogaa kulankii uu dhawaan madaxweynaha Soomaaliya Magaalada Addisababa kula yeeshay Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobey Ban Ki-moon.

 
 

Leave a Reply