7 qof oo lagu diley Tuulo ku taala xadka Kenya-Somaliya

Sida ay sheegeen masuuliyiin ka tirsan dalka Kenya, koox hubeysan ayaa rasaas ku furay goob Masaajid ah Bariga Kenya, waxaana ay ku dileen 7 qof.

Wararka qaar ayaa sheegaya in dadkaani isugu jireen 5 nin iyo labo Haween ah kuwaas oo lagu diley guryahooda xili ay isu diyaarinyeen Salaadii subax

 

Macalim Maxamed oo laga soo doorto magaalada Gaarisa ayaa yiri maanta oo Khamiis ah ayaa koox gaareysa 8 kuwaas oo ku hubeysan qoryaha Ak47, ayaa weeerar ku qaadey tuulada Malela ee ku taala xadka Kenya la wadaagto Soomaaliya.

Mohamed oo u waramayey warbaahinta AP ayaa sheegay in sababta ka danbeysa dilkaan ka dhacay Masjidka aan la garaneyn,

 

 inkasta oo dalku noqdey mid bartilmaameed u ah kooxaha al-Qaacida, ka tirsan ee Soomaaliya sida al-Shabaab, kuwaas oo horey ugu hanjabey in ay weeraro ka fulinayaan gudaha Kenya.

 
Weerarka maanta ayaa imaanaya iyada oo doorashadii guud ee dalka Kenya ay ka harsan tahay wax ka yar laba todobaad, waxaana laamaha amniga ee dalkaasi sheegeen in ay jirto khatar weeraro argagixisnimo.

 

Tan iyo markii Kenya ay gudaha u gashey dalka Soomaaliya isla markaana ay kula dagaalmeen ciidamadeedu al-Shabaab waxaa soo badanayey weerarada, tooska ah iyo qaraxyada ka dhacaya dalka Kenya.

Leave a Reply