Askarta Booliiska Masar oo loo ogolaaday inay Garka la bixi karaan

Waxaa markii ugu horeysay Maxkamada dalka Masar ay u ogolaatay Askarta ka tirsan ciidamada Booliiska in ay la bixi karaan Garka, arrintaasi oo horey mamnuuc uga ahayd dalka Masar.

 

Dowladii hore ee Masar ee uu hogaamin jiray Xusni Mubarik ayaa mamnuuc ka dhigtay in askarta Booliiska ee dalkaasi ay labaxaan ama deystaan garka.
Balse sharcigan ayaa hada la bedalay iyadoo maxkamada dalka Masar ay shalay go’aamisay in askarta booliiska ah ay la bixi karaan garka, taasi oo ay maxkamada ku sheegtay mid salka ku heysa diinta.
Go’aanka maxkamada ayaa waxaa si weyn usoo dhaweeyey in badan oo kamid ah askarta booliiska Masar oo shaqada ka fariistay kadib markii ay sheegeen in loo diiday in ay garka la baxaan, waxayna hada ku dhawaaqeen inay shaqadooda dib ugu noqon doonaan.
Dowlada cusub ee Masar ayaa horey u sheegtay inay isbedalo ku sameyn doonto sharciyadii xukuumadii hore dajisay ee ka horimaanayey diinta Islaamka.

 

 

Leave a Reply