Raysalwasaare Saacid oo kulan la qaatey Agaasimayaasha hay’adaha warfaafinta Muqdisho

Ra’iisal Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdi Faarax Shirdoon Saacid ayaa maanta la kulmay qeybaha Warbaahinta, gaar ahaana Milkiilayaal, Wakiilo ka socday Idaacaddaha, Telefishinada, Wakaaladdaha iyo xubno Weriyeyaal ah.

Kulanka ayaa waxaa goob joog ka ahaa Wasiirka Warfaafinta iyo Isgaarsiinta Mudane C/llaahi Ciilmooge Xirsi iyo ku-xigeenkiisa Mudane C/shakuur Cali Mire, iyadoo sidoo kale uu goob joog ahaa Xoghayaha guud ee ururka suxufiyiinta (NUSOJ) Maxamed Ibraahim Bakistaan iyo C/rashiid Deel oo ah madaxa Maaliyadda ururkaasi.

Ra’iisal Wasaaraha ayaa ugu horeyntii ku wargeliyay qeybaha Warbaahintu inay xor u yihiin wixii su’aalo, talo iyo tusaaleyn ah oo ay qabaan in ay weydiin karaan, si uu uga jawaabo una cadeeyo qorshaha Xukuumada ee ku aadan Warbaahinta iyo xorriyadda Saxaafada.

Ra’iisul wasaaraha ayaa warbaahinta u sheegay in xukuumadda Soomaaliya ay ka go’an tahay inay wadashaqeyn dhow la yeelato Warbaahinta iyo sidii ay iskaashi buuxa u yeelan lahaayeen labada dhinac. Ra’iisal Wasaaraha ayaa qeexay aragtida Dowladda si faham guud Warbaahintu uga qaadato.

IMG_1120
IMG_1118
IMG_1115
IMG_1113
IMG_1112
IMG_1106
IMG_1093
IMG_1089
IMG_1130

“Aragtida Dowladda oo cad waa in la arko Soomaaliya oo nabad ah, mideysan, dimuqoraadi ah lagana xurmeeyo xuquuqda aadahana oo ku taagan tubta horumarka”. Ayuu yiri Ra’iisal Wasaaruhu.

Ra’iisal wasaaraha ayaa ballan qaaday in cidii keenta xog ku saabsan dambiile dil u geystay wariye oo lagu cadeeyo falkaasi in xukuumadu ku abaal marin doonto lacag dhan $50, 000 (Konton kun oo dollar). iyadoo ay aad u soo dhoweyeeneen balanqaadkani bahda warbaahinta.

Xoghayaha guud ee Ururka Suxufiyiinta Qaranka Bakistaan ayaa sharaxaad ka bixiyay xaaladaha kala duwan oo ay suxufiyiinta ku soo shaqeyeen mudooyinkii lagu jiray dowladd la’aanta iyo KMG . Isagoo Xukuumadda uga mahadceliyay dadaalka ay ku bixisay inay ka hadasho dhibaatooyinka loo geysto wariyayaasha iyo sidii wax looga qaban lahaa. Wuxuuna xusay in ay soo dhaweynayaan xeerka loo sameynayo warfaafinta.

Suxufiyiintii ka soo qeybgashay kulanka ayaa soo jeediyay talooyin lagu horumarin karo wadashaqeynta xukuumadda iyo bahda Warfaafinta, waxaa soo jeedintooda ka mid ahaa in Wasaaradda warfaafintu la wadaagto warbaahinta xogta dowladda, taasi oo wasiirku sheegay in uu wax ka qaban doono codsiga suxufiyiinta.

Ugu dameyntii Ra’iisul wasaaraha ayaa sheegay in suxufiyiinta loo ogolaan doono xarumaha dowladda lana siin doono wixii xog ah oo ay dowladda uga baahdaan.

Leave a Reply