Ruushka oo mucaaridka Siiriya Wadahadal ugu Baaqay iyo Mucaaridka oo u hanjabay Xisbullaah

Dowlada Ruushka ayaa ugu baaqday in dhinacyada ku dagaalamaya dalka Siiriya ay soo wada fariistaan miiska wadahadalka.

 

Wasiirka Arrimaha Dibada ee dalka Ruushka Servey Lavrov ayaa ka codsaday Mucaaridka Siiriya inay ogolaadaan wadahadal ay la galaan dowlada oo uu sheegay inay hada diyaar u tahay waan waan.

 

Servey Lavrov ayaa sheegay in xukuumada Bashaar Al Assad ay hada muujisay diyaar inay u tahay in waan waan iyo wadahadal la gasho mucaaridka, balse ay hada muuqato in mucaaridka arrintaasi ka cago jiidayo.

 

Dalka Ruushka oo ah taageeraha ugu weyn ee xukuumada Siiriya ayaa sheegay in dagaalka ka socda dalka Siiriya uu sababi doono in gebi ahaan dalkaasi burburo hadii aan xal siyaasadeed laga gaarin dagaalka socda.

 

Baaqa Wasiirka Ruushka ayaa imaanaya kadib markii uu shalay (Arbaca) uu magaalada Moscow kulan kula yeeshay Guddoomiyaha Jaamacada Carabta.

 

Dhinaca kale Xoogaga mucaaridka hubeysan ee dalka Siiriya ayaa ku hanjabay inay weeraro ku qaadi doonaan dhaq dhaqaaqa Xisbullah ee Shiicada ka dagaalama dalka Lubnaan kuwaasi oo taageero ka hela Xukuumada Siiriya.

 

Mucaaridka ayaa ku hanjabay inay duulaan la beegsan doonaan Xisbullah hadii xukuumada Siiriya aysan joojin duqeynta ay ku heyso magaalooyinka ay gacanta ku hayaan mucaaridka Siiriya.

Leave a Reply