Xaakimka ugu sareeya dalka Kenya oo loo hanjabay

Madaxa Maxkamada Sare ee dalka Kenya Chief Justice Willy Mutunga ayaa la sheegay inay u hanjabeen koox u badan Qawmiyada Kikuyada kahor intuusan go’aan ka gaarin u fasixida Musharaxa Madaxweyne Uhuru Kenyatta inuu tartanka doorashada ka qeyb qaad

 

Willy Mutanga Madaxweynaha Maxkamada Sare ee dalka Kenya

Kooxda lagu magacaabo Mungiki oo u badan qawmiyada Kikuuyada ayaa la sheegay in qoraal hanjabaad ah inay u direen Xaakimka kahor intuusan go’aan ka gaarin codsiga uga yimid Musharaxa Madaxweyne Uhuru Kenyatta oo isagu kasoo jeeda Kikuyada oo Maxkamada sare ee dalkaasi ka codsaday in loo ogolaado inuu tartanka ka qeyb qaato.

 

Uhuru Kenyatta ayaa waxaa xiligan dacwada uga socotaa Maxkamada Caalamiga ah ee ICC, maxkamadeyntaasi oo la xariirta falalkii ka dhacay doorashadii 2007 ee dalkaasi Kenya, waxaa dood weyn ka taagneyd in Uhuru xili ay maxkamada Caalamiga ah ee Adduunka baaritaan kuwado inuu ka qeyb geli karo doorashada iyo tartanka Madaxweynaha Kenya.

 

Kooxda Mungiki ayaa la sheegay inay ugu hanjabtay xaakimka dalkaasi inay dili doonaan hadii uu ka horjoogsado Uhuru tartanka doorashada, balse Musharax Uhuru Kenyatta ayaa isagu dhankiisa iska fogeeyey inuu wax xiriir ah la leeyahay kooxdaasi iyo waliba hanjabaada lala beegsaday mas’uuliyiinta Garsoorka Kenya.

Maxkamada Sare ayaa todobaadkan u ogolaatay Uhuru Kenyatta inuu xaq u leeyahay inuu doorashada ka qeyb galo maadaama uusan ahayn weli qof wax danbi ah lagu xukumay.

 

Balse hanjabaada loo geystay Xaakimka kahor go’aankan ayaa hada noqotay mid si weyn looga doodo dalka Kenya, waxaana maanta oo Khamiis ah magaalada Nairobi kulan ku yeelan doona guddiga Amniga ee dalkaasi oo ka wadahadli doona sidii loo sugi lahaa amaanka Garsoorayaasha dalkaasi Kenya oo la sheegay in bilihii lasoo dhaafay ay soo gaarayeen hanjabaadyo kala gedisan.

Leave a Reply