Al-Shabaab oo soo bandhigtay Ciidan ka soo goostay DFKM ah

Updated About:925 days ago

alshabaabMoqdisho:-Kooxda Al-Shabaab ayaa maanta magaalada Muqdisho ku soo bandhigtay Ciidan ka tirsanaa DFKM ah ee Soomaaliya oo u soo goostay iyaga dhowaan.
Goobta ay ku soo bandhigeen Askartaas oo ahaa garoonki ciyaaraha ee Istaadiyo Muqdisho ayaa waxaa goobjoog ka ahaa Saraakil sar sare oo ka tirsan Kooxda Al-Shabaab.

Ciidanka la soo bandhigay ayaa waxaa ay gaarayaan 3-Askari iyo hal gaari oo nooca dagaalka kaas oo ay dhowaan ka soo goosteen DFKM ah ee Soomaaliya.

Ugu horeyn waxaa ka hadlay Wakiilka Al-Shabaab ee Gobolka Banaadir Sheikh Cali Maxamed Xuseen,wuxuuna sheegay in ay aad u soo dhoweynaayan Ciidankaas u soo goostay kuna soo biiray,isagoo ku baaqay Ciidamada kale ay ka soo baxaan DFKM ah ayna ku soo biiraan iyaga.

Munaasabada ayaa sidoo kale ka hadlay mid ka mid ah Ciidanki la soo bandhigay maanta oo lagu magacaabo Da’uud Maxamed Xassan,waxaana u sheegay in ay ka soo goosteen ka dib marki ay la soo deristay dhibaato isugu jira caafimaad daro iyo weliba mushahar la’aan.

Askarigaas ayaa tilmaamay in mudo 6-sano u ka tirsanaa DFKM ah una xilligaan wixii ka dambeeya u ka tirsanyahay Kooxda Al-Shabaab una ka soo horjeedo DFKM ah.

Mudooyinki ugu dambeeyey DFKM ah ayaa waxaa ka goostay ciidan iyadoo sidoo kale ay ku u soo goosteen ciidan ka tirsanaa kuwa mucaaradka,iyadoo sidoo kale ciidan ka tirsan kuwa DFKM ah ay u goosteen Kooxaha mucaaradka iyagoo oo wata gaadiid dagaal oo ay iska lahayd Dowlada.

Comments (0)

Comments are closed.