Burcad Badeed Soomaali ah oo weerartay Markab Maraykan ah.

Published on November 5, 2009 by   ·   No Comments

somali_piratesmontageCiidamada Badda ee Maraykanka ayaa waxaa ay sheegaayan in ay ka hortageen weerar ay Kooxo Burcad Badeed Soomaali ku qaadeen markab xamuul ah oo ka babanaayay calanka wadanka Maraykanka.
Sarkaal ka tirsan Ciidamada Badda ee Maraykanka gaar ahaan fariisinka 5-aad ee Wadanka Bahrain ayaa sheegay in Markabka xamuulka ah ay Ciidamada Badda ee Maraykanka weerareen xili u maraayay meel ka baxsan Xeebaha Soomaaliya.

Afhayeen u hadlay fariisinka 5-aad oo lagu magacaabo Lt.Nate Christensen ayaa sheegay markabkaas la weeraray xilli u maraayay meel xeebta Mombasa ee Wadanka Kenya u jirta 360-meyl.

Kooxda Burcad Badeeda ayaa weerarka u adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan,waxaana ay isku deyeen in ay dhusha sare ee Markabka u baxaan ay u surtagali wayday ka dib marki Kabtanka Markabka u xawaarihi markabka ku daray.

Waxaan u xaqiijiyey Afhayeenkaas in aysan jirin wax dhaawac ah ay Kooxaha Burcad Badeeda Soomaalida u geysteen shaqaalihi saarna markabka,iyadoo sidoo kale Markabka u ka nabadgalay rasaasti ay Burcad Badeeda ku fureen.

Ugu dambaynti waxaa u sheegay in markabka uusan wax gurmad ah weydiisan Maraakiibta iyo ciidamada ku sugan Xeebaha Soomaaliya iyo gacanka Cadmeed,waxaana xilligaan u markabkaas ku si jeeda Dekada Magaalada Mombasa.

Kooxaha Burcad Badeeda Soomaalida ayaa hore isku deyey in ay qafaashaan markab ka lulanaayay calanka wadanka Maraykanka ee lagu magacaabi jiray Maersk Alabama bisha April,waxaana weerarkooda ka hortagay kabtanki markabka iyo shaqaalihi kuwaas oo dagaal adag ay wada galeen.

Kabtanka Markabka oo lagu magacaabo Richard Philips ayay kooxda Burcad Badeeda kala soo degeen markabka,waxaana ay mudo 5-maalmood ay ku haysteen xeebaha Soomaaliya iyadoo marki dambe ay xoog ku soo furteen ciidamada kumaandooska ee Maraykanka gaar ahaan kuwa wax shiisha oo ay dileen 3-nin oo Burcad Badeed halka midki kale ay kaxeysteen oo iminka lagu maxkamadaynaayo Magaalada New York ee Wadanka Maraykanka.

Readers Comments (0)

Comments are closed.