Ciidamada Badda ee ka socda Midowga Yuruub ee ku sugan Xeebaha Soomaaliya iyo gacanka Cadmeed ee ka qayb qaadanaya howlgalka Caalamiga ah ee la dagaalanka Burcad Badeeda Soomaalida.
ayaa waxaa ay sheegeen in ay badbaadiyeen Tahriibeyaal Soomaali ah.
War qoraal ay soo saareen Saraakisha Midowga Yuruub ee ku sugan Xeebaha Soomaaliya ayaa waxaa ay sheegeen in 43-Tahriibeyaal Soomaali ah ay ka soo badbaadiyeen Xeebaha Gacanka Cadmeed halkaas ay ku go’asonaayeen.
Markab dagaal oo laga leeyahay dalka Holland xilli u baadi goobaayay Burcad Badeed Soomaali ah ula kulmay Tahriibeyaashaas oo ku sugnaa Xeebaha gacanka Cadmeed gaar ahaan meel u dhow Xeebaha Yemen.
Waxaana Markabka dagaal uu gurmadya Tahriibeyaashaas,iyadoo Tahriibeyaasha Soomaalida ah la saaray markabka halkaas la siiyey gargaar ka dib marki mudo ku dhowaad todobaad ah aysan goobtaas ka dhaqaaqin ka dib marki doonida ay wateen u ciloobay.
Markabka dagaal ayaa waxaa u ku wareejiyey Tahriibeyaashas Soomaalida Hay’adda Qaramada Midoobay ee u qaabilsan qaxootiga aduunka marki magaceeda la soo gaabiyo ee UNHCR gaar ahaan xafiis ay ku leedahay dalka deriska la ah Soomaalida ee Jabuuti.
Hore Markab dagaal oo laga leeyahay dalka Holland ayaa badbaadiyey labo nin oo Soomaali ah kuwaas oo ahaa kallumaysato oo mudo 37-maalmood ay ku xayirnaayeen Badda Soomaaliya ka dib marki doonidi kallumaysi ay wateen matoorkiisa u halaabay.