Waxaa maanta ka dhacay magaalada Helesinki siminaar loogu magacdaray Suurtagalnimada Noqoshada Dalkii hooyo ee Soomaaliya, oo ka dhacay Xarunta laybareeriga wayn ee magaalada Helesinki Xaafada Pasila.
Waxaa uu ahaa runtii siminaar si wayn loo soo agaasimay oo ay ka soo qayb galeen dhamaan Bulshada Soomaaliyeed ee ku dhaqan Dalkan Finland Gaar ahaan Gobolada Turku ,Tampare iyo Helesinki iyo Nawaaxigeeda Sida Vaanta iyo Espoo.
Wuxuuna ahaa Mashruuc ay maalgalinayso Midowga Yurub iyo wasaarada Arimaha Gudaha ee Dalkan Finland iyo Idaacada Warsan oo Fulinaysa Mashruucan.
Qaabkii uu u dhacay siminaarkani
Waxa uu ku bilowaday Barnaamijka Aayada Quraan ah iyo wacdi is xasuusin Alle oo uu ku furay, Sh.Xasan Ismail oo runtii dadkii Halkaasi ufasiray wax yaabaha loo bahan yahay Aduun iyo Aakhiro inta la nool yahayna laga faaiidaysan karo mar hadaad aduunka ka tagtid waxba ma qabsan kartid aad bayna dadkii goobta soo xaadiray oo runtii aad moodayso dad ku soo talagalay maanta in ay ka mira dhaliyaan in bal mar uun wadankii inta uu Nabad Noqdo ay dib ugu noqon lahaahyeen Dalkii Si wanaagsana ay wax u dhagaysanayeen oo jawigu waxa uu ahaa mid aad uqurux badan oo degan oo aad looga soo qayb galay.

Waxaa kaloo halkaasi ka hadlay Agaasimaha Radio Warsan Maxamed Musse Seraar oo isna Runtii ka Hadlay oo ku dheeraaday Raadiyaha iyo wax qabadkiisa iyo Heerarkii uu soo maray Intii uu jiray iyo mashruucan iyo Ahmiyadiisa iyo Cida soo diyaarisay isla mar ahaantaana maalgalinaysa iyo shaqada cida qabanaysa.

Kadibna waxaa hadalkii qaatay Aqoonyahan Abdirashiid Abadi Ismail PHD(CAN) Department of Economics and B.A, hanken school of economic and B.A ,oo ah Qurba joogta Soomaaliyeed ee ku Nool dalalka Yurub Gaar ahaan Finland waxa uu na ka hadlay Suurtagalnimada in dalkii hooyo lagu Noqdo iyo sidii suurtagal ah ee loogu noqon karo Runtiina Cashar aad u muhiim ay ayuu ka hadlay oo dadkii Goobta joogay oo dhami ay aad uga heleen ahaana mid soo jiitay Bulshadii Soomaaliyeed ee halkaa isugu yimid isagoo ka hadlay oo kale aqabadaha jira ee kale ee hadii uu qofkii uu goosta xataa inuu guuro isagoo haysta baasaboorka wadankan finland ama wadama kaleba uu dalkii ogoleen laba dhalasho oo kale oo uu iska kansalo baasaboorkii hadhowna ay wax dhacaan oo kale uusana hadana noqon karin waa aqabadaha taagan ayay ka mid yihiin runtiina kuma soo koobi karno hadaladii Aqoonyahan Abdirashiid Abdi Ismacil.

Waxaa kaloo halkaasi ka hadlay Dr-Axmed Guuleed Yuusuf oo ah Dhaqaatiirta Fara ku tiriska ah ee qurbajoogta ah ee ka hawlgala Soomaaliya hadana ku nool dalalka Yurub gaar ahaan Finland.
Dr-Axmed Guuleed waxa uu ka hadalay oo uu soo jeediyay cashar aad muhiim u ahaa oo ku saabsanaa Guuritaanka wadankii iyo siddii laysu waafajin lahaa addeegyada caafimaad ee ka jira wadanka Finland ee laga guurayo iyo Kan loo guurayo ee ah Soomaaliya, runtiina dhaqtarku waxa uu u soo diyaariayay anagoo la socodsiinay waqti yar oo kooban si aad u wanaagsan oo dadkii ka soo xaadiray shirka ay u bogeen iyo xaaladaha caafimaad ee ka jira dalkii ay u ogaadeen iyadoo uu waqtigu nagu yaraa oo aysan noo suura galin in la waydiiyo su aalo balse waxaanu jecel nahay in aanu ka dhigano hadii allaha awoodalihi raali ka dhigo in aanu ka dhigano mustaqbalka mid aanu waqti u helno runtiina casharo muhiim ah ayaa ka baxay goobta oo aqoon yahanadii Rag iyo Dumar isugu jiray iyo dhalinyaradi ayaana goobta ka soo xaadiray aad bay u soo dhoweeyeen uguna hanbalyeeyeen Aqoonyahadii Siminaarka ka hadlay.

Kadinba Nasasho iyo kafee ,cabitan Iyo Cuno Fudud ayaa goobta lagu cunay waxaana dabadeed halkaasi lagu soo gaba gabeeyay Siminaarkii.

RadioWarsan.com