Afhayeenka xarakada Shabaab Almujaahidiin Sh Cali Maxamuud Raage Sh Cali Dheere oo la hadlayay warfidiyeenada Magaalada Muqdisho ayaa iska fogeeyay Qaraxii maalinimadii shalay ka dhacay Muqdishoo ee ay ku geeriyoodeen Wasiiyo ka tirsanaa Dowlada KMG ah ee Soomaaliya.
Sh Cali Dheere waxaa uu shaaca ka qaaday in aanay wax lug ah ku laheyn qaraxaasi Mujaahidinta Xarakada Alshabaab ayna tahay been la dhoo dhoobay eedeymaha ku aadan ku lug lahaanshaha Xarakada Alshabaab Qarixii Hotell Shamoow.
Waxaa uu intaasi ku daray Sh Cali Raage in ay geyteen Qaraxaasi isla xubno ka tirsan Dowlada uuna ka dhashay qilaafaad isla dowlada dhexdeeda ka dhextaagnaa waayadii ugu dambeysay .
Waxaana Sh Cali uu Tacsi Tiiraanyo leh Hawada u mariyay shacabkii Soomaaliyeed ee iyagu ku geeriyooday Falalka ay isugula danleeyihiin xubno wax ma garad ah sida uu hadalka u dhigay Sh Cali Dheere, isagoo intaasi raaciyay in mujaahidiinta ay u aari doonaan .
Sikastoo ay ahaataba ka dib markii shalay uu dhacay Qaraxii xooganaa ee ayku geeriyoodeen 3 wasiir oo ka tirsan Dowlada Suxufiyiin iyo Arday ayaa waxay dowlada KMG ah ee Soomaaliya Weerarkaasi dusha uga tuurtay xarakada Shabaab Almujaahidiin, .