FBI-da Mareykanka oo dabagal ku heysa dad mareykan ah oo lagu xiray Pakistan

Published on December 10, 2009 by warsan   ·   No Comments

fpiLaanta baaritaanka booliska Maraykanka FBI oo baaraysa xiritaanka shan nin oo Maraykan ah kuwaas oo lagu tuhunsanyahay in ay xiriir la leeyihiin kooxaha mintidka ee dagaalka xoogan kula jira Pakistan.

Shanta nine ee ay qabteen  booliska Pakistan ayaa lagu xiray guri ku yaala Sarghoda oo ku taala  gobolka Punjab ee bariga wadanka Pakistan waxaa sidaasi u sheegay BBC da qaybteeda English ka safiirka Maraykanka ee wadanka Pakistan.

FBI du waxaa ay sheegtay in ay baaritaan ku samaynayso in ay ragaani ahaayeen kuwo laga waayay guryahooda oo ku yaalay gobolka Virginia.

Shanta nin ee Maraykanka ee lagu xirxiray Pakistan ayaa la sheegay in asalkooda kasoo kala jeedaan wadamada Pakistan,Masar iyo Yemen.

Baaritaanka ay FBI da Maraykanku ku hayaan ragaan ayaa qayb ka ah baaritaano ay dhowaanahan wadaan oo la xiriira kooxo wadanka Maraykanka gudihiisa lagaga daad guraynayay wadamo kala duwan oo caalamka si ay dagaalo uga soo galaan.

Wadanka Pakistan oo ay ka dagaalamaan daalibaaniyiin xiriir ay leeyihiin Al qacida ayaa waxaa inta badan dowlada Pakistan isku dayo badan oo ay samaysay ay ilaa iyo hada aysan wax natiija ah kasoo hoyin dagaalo ay lagashay kooxdaasi

Readers Comments (0)




Please note: Comment moderation is enabled and may delay your comment. There is no need to resubmit your comment.