Xuduuda kala qaybisa wadamada Pakistan iyo Hindiya gaar ahaan gobolka Kashmiir ayaa waxaa ay israsaaseyn ku dhex martay Maalinimadii Shalay ciidamo Milatari oo kakala socda wadamada Pakistan iyo Hindiya oo joogay xuduudka ay labadaasi wadan ka wadaagaan gobolka Kashmiir.
Israsaasaynta labada ciidan ayaa timid kadib Markii ay ciidamada ilaalada Pakistan ee xuduuda Kashmiir ay xabado ku fureen ciidamo Hindi ah oo ilaala u joogay goob aad ugu dhow meesha ay joogeen ciidamada Pakistan waxaa hadalkaasi ka sheegay xarunta wadanka Hindiya ee New Delhi.
Israsaaseynta oo socotay mudo shan iyo toban daqiiqo ah ayaan lasoo sheegen cid ku wax yeelowday,iyadoona ay noqonayso tii ugu horaysay oo in mudo ah dhex Marta labada wadan ciidamadood Xuduuda jooga oo uu dagaal xoogan horay u dhexmaray labadaasi dal.
Wadamada Hindiya iyo Pakistan ayaa waxaa dhex maray dagaalo dhow jeer soo noqnoqday iyadoona labo kamid ah dagaaladaasi ay ku dhex mareen ciidamadaasi isku haysashada lahaanshaha gobolka Kashmiir oo sanadii 1974.
Afhayeen u hadlay wasaarada difaaca Hindiya ayaa sheegay in ay Israsaasayntan ahayd mid wax u dhimi karta xabad joojintii labadaasi wadan ay gaareen Sandii 2003 oo ay wada saxiixdeen xabad joojin kadib dagaalo ay dad badani ay ku dhinteen oo dhex maray labadaasi wadan ciidamadooda xuduuda jooga.