Madaxweynihii hore ee wadanka Honders Manual Zelaya ayaa la filayaa in uu gaaro wadanka Mexico kadib sadex bilood oo uu gabaad ku ahaa safaarada ay Brazil ku leedahay Hondures.
Tagitaanka Manual Zelaya ee Brazil waxaa u xaqiijiyay wakaalada wararka Reuters mid kamid ah raga aadka ugu dhow Zelaya,iyadoona ay dowlada Mexico shaaca ka qaaday imaanshaha Zelayo ee Mexico saacadaha soosocda.
Waxaa uu imaanaya tagitaanka Zelayo ee wadanka Mexico wakhti ay baarlamaanka Hondores isku raaceen in aanu dib ugu soo noqon talada Madaxtinimo ee wadanka Honders.
Zelayo waxaa uu ku guul daraystay in uu ka qeyb galo doorashooyin madaxtinimo oo wadanka Hondures uu ku yeeshay Madaxweyne cusub,iyadoona gabi ahaan loo diiday in uu ka qayb galayo doorashooyinkii Madaxtinimo ee ka dhacay wadankaasi.
Wadamo badan oo ku yaal laatiin Ameeriko ayaa dhaleeceeyay doorashadii ka dhacday wadankaasi Honders,iyagoona ku tilmaamay in doorashadaasi mid aan u cantamin dowladaha koonfur Ameeriko.
Zelayo oo talada Madaxtinimo ee Honderes laga tuuray ayaa umuuqda mid aan hada raja uga soo muuqan in uu dib ugu soo laabto talada madaxweynanimo ee Honders.