Milatariga Maraykanka oo sheegay in hogaamiyayaasha Al qacida iyo Daalibaan ay ku dhuumanayan Afganistan iyo Pakistan

Updated About:883 days ago

060717-C-9999F-001Sarkaalka ugu sareeya ciidamada Milatariga  Maraykanka Mikel Mulan ayaa sheegay in hogaamiyayaasha Al qacida iyo Daalibaan ay ku dhuumaalaysanayaan gudaha wadamada Pakistan iyo Afganistan.

Waxaa uu  Mike Mulan sheegay in awooda Xoogaga Daalibaaniyiinta iyo Al qacida ee ku sii kor dhaysa wadamada Pakistan iyo Afganistan ay muujinayso in hogaamiyayaashooda ay ku sugan yihiin gudaha wadamadaasi.

Hadalka Mike Mulan ayaa imaanaya Wakhti ay mukhaabaraadka wadanka Maraykanka sheegeen in ay heleen warar sheegaya in uu Usama Bin ladin ku sugan yahay xuduuda u dhexeysa wadamada Afganistan iyo Pakistan.

Mike Mulan oo ah sarkaalka ugu sareeya ciidamada Maraykanka ayaa waxaa ay dowladiisu dhowaan u diraysaa gudaha wadanka Afganistan  30,000 oo ciidan oo lagu kor dhinayo kuwii horay uga joogay wadanka Afganistan.

Waxaana  uu tuhunka Mike Mulan ee joogitaanka hogaamiyayaasha Al qacida iyo Daalibaan ee wadamada Pakistan iyo Afganistan uu noqonayaa mid muujinaysa in ay dowlada Maraykanka quus ka taagan tahay soo qabashada hogaamiyayaasha Alqacida iyo Daalibaan

Comments (0)

Comments are closed.