Simaarkan waxaa looga hadlayay Horumarinta xag caafimaadka oo dhaqaatiir iyo kalkaaliyayaal Caafimaad ay ku noqdeen Soomaaliya gaar ahaan Maamulada Somaliland iyo Putland kuwaasoo hada amaan ah taasoo markaasi ka dhigaysa in Soomaaliya oo dhan uu ka fulilahaa lakin waqtigan xaadirka aysan suurtagal ahayn maadaama amnigu uusan sugnanygoobahaasi kale.
waxaana deeegaanadaas gaaray Taqaatiir iyo kalkaaliyaal caafimaad oo udhashay Deegaanadaas iyo kuwa aan udhalan iyadoo hay ,ada IOM ee Fulinaysa mashruucan uu hogaaminayay ka Siciid Jaamac oo isagu ka hawl gala Hay ,adaas Qaybta wadanka Finland oo Xarunteedu tahay Caasimada Dalka ee Helesinki .
Simaarku waxa uu ahaa mid aan lgu soo koobi karin halkan waxaana ugu horayntii shirka furay Xubin sare oo katirsan Xafiiska IOM oo ka hadlay siminaarka iyo hadfka laga lee yahay waxaana uu ku soo dhoweeyay Xubin sare oo ka socday Wasaarada Arimaha Dibada oo ah Hay adii Dawliga ahayd ee xaga Dhaqaalaha Masuulka ka ahayd oo runtii amaan Mudan iyadoo lagu waday in uu ka soo qayb galo siminaarka Wasiirka Arimaha Dibada iyo dhaqaalaha, wuxuuna ka war bixiyay xaalada Soomaaliya oo uu aad ugu dheeraaday uuna si wanaagsan ula socdo xaalada soomaaliya isagoo sheegay inuu todobaadkan uun uu ka yimid wadanka Kenya si uu ula socdo xaalada soomaaliya oo aad mooday inuu in badan ku noolaa Soomaaliya isagoo markii danbana ku soo gaba gabeeyay xalka soomaaliya idin ka ayuu idin ku jiraa wana ku faraxsanhay sida aad uga wal walaysaan dalkiini iyo sida aad wax ugu qabataan,isagoo aad u amaanay Xiligii Dawladii Marxuum siyaad Bare inuu sheegay in ay Dawlada Finland ay gaysay Mashruucii ugu waynaa ee ay Qaarada Afrika gayso wuxuuna ahaa mid siwanaagsan u hirgalay oo Mira dhalay
hadana waxaanu filaynaa in Mustaqbalka la helo sidii kaas oo kale idin ka ayaana samayn kara hadii ad tihiin Soomaalida Dalkan Finland.
Kadibna waxaa hadalkii Qaatay Gudoomiyha Xisbiga Ucid ee Somaliland Injineer Faysal Cali waraabe oo runtii dhinacyo badan oo looga baahan yahay Putland Somaliland iyo Somaliya inteeda kale halkaasi ka cadeeyay Runtiina ka hadlay waxa uu usoo joogay ee dhinaca Horumarka iyo sidii lagu gaari lahaa waxa hada taagan iyo waxa Mustaqbalka la damacsan yahay isgoo dhanka colaadaha ka hadlayana waxa uu cadeeyay in ay iyagu ahaayeen kuwii halkan ka baxay ee heshiisiiyay mucaaradkii iyo Dawladii markaa jirtay iaydoo markaa ka dibna horumarka Xisbiyadfa soo saaray oo manta ay iaygu hogaaminyaan Mustaqbalkana jecel yihiin in ay wax ka badalaan sida hada lagu jiro.
waxaa ka dib hadalka qaatay Hogaamiyihii Mashruuca qaybta Midha oo loogu talagalay dadka Xirfada Caafimaad ee gaaray Somaliland iyo Putland Mudane Siciid Jaamac oo runtii hadalka ku dheeraaday kuna furay Mahadnaq uu umahad celinayay dhamaan Dadkii ka qaybgalay mashruucan ee guryahoodi ka tagay iyo xaasaskoodi iyo caruurtoodi iyo Xafiiskooda Magaalada Hargaysa iyo waliba Xafiiskooda IOM ee Helesinki wuxuuna ku dheeraaday waxyaabihii ay soo qabteen dhaqaatiirtii iyo kalkaaliyayaashii Caafimaad ee iyagu gaadhay Goobahaasi oo runtii wax ka soo qabtay soona bandhigay Isbitaaladii Magaalada Hargaysa ee ay booqdeen runtiina waxa uu soo jeediyay warbixin waafi ah oo dhamaan dadkii halkaasi isugu yimid ay umahadnaqeen .
Kadibna waxaa la aaday Qado iyo Nasasho
Qadadii ka dib waxaa la guda galay Siminaarka qaybihiisi kala duwanaa waxaana loo gudbay Soo bandhigid Fikrado kala Duwan oo laga doodayay waxaana loo qaybiyay sedex qaybood goobo kala duwan la kala aaday ,halka qaybtii caafimaadka ay ku hadhay hoolkii Siminaarka waxayna udhaceen siwanaagsan .
Markale ayaa Nasasho iyo Kafee la aaday
Dib ayaa laysugu soo noqday Markii La kafeeyay Nasashona la qaatay waxaana goobkaliya soo wada fariistay Xubnihii Sedexda qaybood waxaana hadalka uqaybinayay Xildhibaan Peka Havisto oo isaguna ka soo qaybgalay nina uusan hadalka uqaybinina hadal yar oo kooban oo arimaha Soomaaliya ku wajahan halkaasi ka soo jeediyay .
kadib waxa uu qaybkastaa halkaasi ka cadeeyay oo sheegay wax yaabihii qaybahoodu ka doodeen iyo waxa ay isla gaareen ,runtiina dadkii halkaasi isugu yimid siwanaagsan ayay udhagaysteen oo ay u ahaayeen dhagaystayaal aad ugu qanacsanaa wax yaabihii halkaasi ka dhacayay, oo sababtu waxay ahayd sulaaha aan badnayn oo loogana jawabay runtiina waxa uu udhacay si wanagsan oo dadkii halkasi isugu yimid ay aad ugu qanceen .
waxaana soo xiray Siminaarka oo hadal kooban ka jeediayay Gudoomiyaha Ururka Sooqanqaabiyay Siminaarka ee IOM ee wadanka Finland Iyo Mashruucana uu maalgaliyay Wasaarada Arimaha Dibada ee Finland.







Comments are closed.
Muryooleey, Qabiil iyo Jaahilmino ayaa idinku ogahay … Matalaalac ayaad meesha ku heysaan …